Monday 23 January 2012

Kenya Oo Raadineysa Siddii Lagu Sii Deen Laha Dad Lagu Heesto Soomaaliya


Share


Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Mosas Wantangula
Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Mosas Wantangula

Nairobi (RBC) Kenya ayaa sheegtay in ay sameen doonto isku day kasta oo ku aadan siddii hubaal looga dhigi lahaa in la sii daayo la heestayaal gacanta ugu jirro Ururka Al-Shabaab,
Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Moses Wetangula ayaa diiday in uu bixiyo faahfaahinta dadaalada ay ku doonayaan afar qof oo Kenyaan ah iyo afar kale oo ajaaniin kuwaas oo la afduubtay tan iyo bishii September saandkii la soo dhaafay.
Mr Wetangula ayaa hadalkan sheegay wax yar uun makii Al-Shababa boggooda twitter-ka ay soo galiyeen labo ka mid ah dadkii ugu dambeeyay ee dhawaantan ka afduubteen deeganka Gerille ee magaalada wajeer
Al-Shabaab ayaa raga ay soo galiyeen sawiridooda boogga twitter-ka waxa ka mid ah Edward Mule oo 30-jir ah iyo Fredrick Irungu Wainaina, 56-jir ah
Mr Wetangula ayaa u sheegay ehelada dadka maqan in ay wadaan dadaalo ku aadan siddii loo sii deen lahaa Edward Mule iyo  Mr Wainaina.
“Waxa aan wadnaa dadaalo ku aadan siddii iyagoo xur ah lo sii deen lahaa dadka la heesto . wuxu sheegay dadaaladaas in ay wadan dowlada iyo shaqsiyaad kale,” Mr Wetangula ayaa sheegay.
Ma uu weydiiyay the Nation su’aal ku aadan in dadaaladaas lagu sii deynaayo dadka maqan lacag wuxuu sheegay
“Kama jawaabayo su’aashaas, maxaa yeelay ma rabo in qatar galiyo nolasha dadka la heesto,” Mr Wetangula ayaa sidaas sheegay.
Khamiistii ayaa gabadha la dhalatay Mr Mule, Jane Mwanajuma, waxa ay sheegtay walaakeed in uu joogo meel u dhow soohdinta Soomaaliya, laakin sababo la xiriirta xagga amaanka aan loo sheegi karin.
Waxa ay sheegtay goobta uu ku sugan in wax taleefonka gacanka ee  mobile-ka ka agdhaween
Moses Wetangula
Dhinaca kale, Dowladda Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda amniga gudaha dalka Kenya Francis Kimemia ayaa sheegay in looga baahan yahay  al-Shabaab inay xornnimadooda siiyaan Mule Yasse iyo Patrick Wainaina oo ahaa saraakiil dowladeed, isagoo sheegay in dowladdu ay deddaal kasta u geli doonto sidii raggaasi loo siideyn lahaa.
Mr. Kimemia ayaa ugu baaqay qoyska iyo saaxiibada saraakiishaas inay muujiyaan deganaansho oo aysan ka welwelin xaaladdooda, isagoo xusay in xukuumadda ay xil weyn iska saari doonto sidii labadaasi sarkaal ay dib ugu laaban lahaayeen dalkooda.
RBC Radio
—————————
Xafiiska Wararka Nairobi

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...