Friday 6 January 2012

C/weli Gaas: Wax Maamul ah oo Hiiraan ka Jira Ma Jirto, Hal Gobolna Maamul Goboleed Ma Noqdo


 
Share
Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali oo caawa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib booqasho uu maanta ku tagay magaalada Beledweyne ayaa shaaca ka qaaday inuusan jirin wax maamul goboleed ah oo ay DKMG u aqoonsan tahay inuu ka jiro gobolka Hiiraan.
“Wax maamul ah oo aan u og nahay Hiraan ma jirto, hal gobolna ma noqdo maamul goboleed ee haddii la sameynayo maamul, sida ku qoran dastuurka waa inuu noqdaa labo iyo wixii ka badan” ayuu yiri raysul wasaaraha oo caawa wareysi siiyey BBC-da.
Raysul wasaaraha ayaa sheegay in maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Beledweyne balse uusan la socon wax maamul ah oo la yiraahdo Dooxada Shabelle kaasoo uu madaxweyne ka yahay C/fataax Xasan Afrax oo raysul wasaaruhu maanta isku arkeen magaalada Beledweyne.
Wuxuu sheegay in dawlada dhexe aysan qorshaha ugu jirin inay maamul u dhisto gobolada dalka balse ay tahay in dadka deegaanadaasi ku nool ay soo sameystaan maamulo ay iyaga rabaan.
Joogitaanka ciidamada Ethiopia
Raysul wasaaraha DKMG waxaa la weydiiyey inay is arkeen saraakiisha Ethiopia ee ku sugan Beledweyne, wuxuuna yiri “Haa waan is aragnay waana wada hadalnay”.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...