Friday 6 January 2012

XOG: Diyaarado ay Leedahay Israel oo ka Qeybqaadanaya Duqeymaha Koonfurta Soomaaliya


 
Share
Ciidamada Kenya ayaa galay Soomaaliya 16-kii Oktoobar 2011
Nairobi (RBC) Sida lagu muujiyey xog qarsoodi ah oo ay daabacday shabakada Wikileaks, diyaaradaha aan duuliyaasha lahayn ee Yuhuuda ayaa qeyb ka qaadanaya weerarada duqeymaha ee ka socda gobolada koonfurta dalka Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.
Warbixinta ayaa sheegtay in Israel ay u soo dirtay Soomaaliya diyaaradaha duuliyaasha aan lahayn ee loo yaqaano “drones” si ay qeyb uga qaataan duulaanka ciidamada Kenya ay ku baacsanayaan Al-Shabaab oo haatan galay bishii afraad ee ka socda gobolada koonfurta dalka.
Raysul wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa sanadkii dhamaaday 2011 waxaa uu Israel u jeediyey codsi uu kaga dalbaday in gacan lagu siiyo dagaalka ay Kenya kula jirto Al-Shabaab kaasoo Kenya ay ku fasirtay “Difaacida dalkeeda”.
Toddobaadyadii la soo dhaafay waxay diyaaradaha Kenya ay duqeeyeen degaano ku yaalla gobolada Gedo iyo Jubbooyinka oo ay qaarkood dad rayid ah ku dhinteen kuna dhaawacmeen iyadoo qoysas fara badan ay hadda ka barakacayaan labadaasi gobol.
Ciidamada Kenya ee hadda ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa tiradooda lagu sheegay 2,000 askari, kuwaasi oo ku qalabeysan taangiyo iyo hubka noocyadiisa kala duwan.
Qorshaha Israel
Warbixinta ayaa sheegtay in Israel oo hore uga cudurdaaratay in ciidamo toos ah ay ku soo xoojineyso ciidamada Kenya ay haddana ballanqaaday taageero ka kooban tababarida ciidamada iyo in dhanka sirdoonka ay ka caawiso Kenya. Waxaana hadda qorshahan uu u muuqdaa midaasi.
Wetang’ula oo Mareykanka kala hadlay duulaanka
Warbixinta ayaa xustay in wasiirka arimaha dibedda Kenya Moses Wetang’ula uu ku wargeliyey sarkaalka wasaarada arimaha dibedda Mareykanka u qaabilsan Afrika Johnie Carson mar uu kulan kula qaatay Nairobi in duulaanka Kenya uu ku wajahan yahay magaalada Kismaayo si meesha looga saaro Al-Shabaab.
Wasiirka wuxuu sarkaalka Mareykanka u sheegay in Al-Shabaab haddii aan meeshooda loogu tegin ay iman doonaan gudaha Kenya ayna dhibaatooyin ka geysan doonaan, isagoo sidoo kale sheegay in hadda xubno Al-Shabaab ah ay bilaabeen inay burcad badeeda ku biiraan ayna guryo ka iibsadaan gudaha Kenya.
Kaalinta Mareykanka ee dagaalka
Warbixinta ayaa sheegtay in dawladaha Mareykanka iyo Faransiiska ay qeyb ku leeyihiin duqeymaha dhanka cirka iyadoo maraakiibta ciidamada badda ee Faransiiska ay dhanka xeebta ka taageerayaan ciidamada Kenya.
Warbixinta ayaa tilmaantay in dagaalka Kenya ay ku gashay Soomaaliya uusan noqon sidii loo maleynayey maadaama hadda uu ku dhowaaday afar bilood. Dagaalkan ayaa sii adkaanaya iyadoo uu jiro khasaare ayay xustay warbixinta.
RBC Radio
Xafiiska wararka Nairobi
_____________________________________
Xigasho: wikileaks. Waxaa tarjumay bahda Raxanreeb.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...