Tuesday 10 January 2012

Dalka Holland Oo Olale Loogu Jirro In La Mamnuuco Cunista Qaadka


Share

Nin qaad baraxday oo fadhi wanaagsan u sameestay
Nin qaad baraxday oo fadhi wanaagsan u sameestay
Netherlands (RBC) Dalka Netherlands oo ka mid ah dalalka Yurub ay ku nool yihiin Soomaalida ayaa waxa hadda ka socota qorshayaan lagu mamnuucaayo cuniska Qaadka.
Dalkaas waxa uu ka mid yahay meelaha sida weyn loo geeyo Qaadka kuwaas oo Soomaali badan ay cunaan oo ku nool dalkaas.
Baarlamaanka Netherlands ayaa sheegay arrintaas in looga hadli doono fadhiga toddobaadka soo socda yeelan doonaan.
Aqalka labaad ee baarlamaanka dalka Netherlands ayaa ka doodi doonaan toddobaadka soo socda sidii loo mamnuuci lahaa cunista qaadka, kaasoo ay isticmaalaan Soomaali fara badan,oo ku nool dalka Netherlans
Qaar ka mid ah jaaliyada soomaalida ee dalkaas ayaa sheegay in tallaabadaas ay soo dhaweynaayaan, maadama dad badan oo soomaali cunaayay uu dhibaato ka soo wajahay.
Qaar badan oo qoosaska is qaba ayaa caruurta ka taga kuwaas oo aada goobaha qaadka lagu cuno, waxaan sidaas xanaanlo la’aan ay soo wajahdaa curuurta soomaalida ee ku dhaqan Netherlands
Sarkaal u hadlay dowlada Netherlands ayaa u sheegtay warbaahinta dalkaas in ay aad uga walaacsan tahay cunista qaadka oo si xad dhaaf looga isticmaalo dalka Netherlands.
Kumanaan qof oo soomaali ah kuwaas oo ku nool dalka Netherlands ayaa cunna qaadka, waxana ay u badan yihiin rag kuwaas oo wax shaqo qaban, waxana ay halkaas ku qaataan lacago ay soo diraan eheladooda ku nool dalalka ee caalamka.
Qaadka waa mid ka mid ah waxyaaba curyaamiyay dadka Soomaalida gaar ahaan jiilka soo karaya, sidoo kale dhaqaala ayuu hoos u dhig ku keenaa , tii oo ay jirto in khilaaf u ka dhex abuuro qoosaaska is-qaba
Dalal badan oo Yurub ayaa aad looga cunaa qaadka waxana ka mid ah dalka Britan oo si caad ah loo geeyo. waxa jirra olala ballaaran oo ku aadan in lagu mamnuuco qaadka dalkaas laakin waxa aad u yer sida loo joojnin karo cunista qaadka.
RBC Radio
————————
Netherlands

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...