Tuesday 10 January 2012

Faroole: Iscasilaadii Farmaajo Waan ku Guuleysanay, Baarlamaanka KMG Waa Tuugo., Maamulkii Iga Hooreeyay Waxba Ma Qaban (Dhageyso)


Share
Boosaaso (RBC) Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyey xarunta madaxtooyada Boosaaso habeenkii 08.01.2012 oo ku beegan saddex sano guuradii ka soo wareegatay markii uu madaxweyne ka noqday Puntland wuxuu kaga hadlay arimo fara badan.
Madaxweyne Faroole ayaa khudbadiisa wuxuu ku soo hadalqaaday arimo xasaai ah oo dhamaantood u badnaa siyaasad iyo xaaladaha dalku ku jiro, isagoo si furnaan ah uga hadlay arimo qaarkood hore u qarsoonaayeen oo dadku aysan uga warheyn.
Khudbada madaxweyne Faroole ka jeediyey madaxtooyada magaalada Boosaaso waxaa dhageysanayey wasiiro ka tirsan maamulkiisa, odayaal dhaqameed, fanaaniin iyo dad isugu jira waxgarad iyo culimo qaarkood gobolada Soomaaliya ee kala duwan ay ka soo jeedaan.
Shaqo ka tegistii Farmaajo
Madaxweynaha Puntland oo intii uu khudbeynayey soo qaaday xiriirka maamulkiisa iyo dawlada federaalka ayaa mar qura dib ugu laabtay waqtigii uu xilka hayey raysul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo sanadkii 2010 xilligaasi oo madaxweyne Faroole uu ku magacaabay “xilligii ay is ku xumaayeen Puntland iyo DKMG”.
“… Dawlada TFG iyo anagu waa taan mar isku xumaan jirnay, waxaynan iyaga keligood gooni u lahayn ay damceen inay la cararaan oon isku qabsanay god walba isla galnay illaa Security council [Golaha Amaanka QM] isla fariisanay libtii anagay na raacday. Waxay noqotay in la yiraahdo talo ayan ku jirin [Puntland] lama sameyn karo” ayuu yiri Faroole.
“Kuwii nagu edeb darooday”
Faroole ayaa si gaar ah u soo qaatay qaabkii ay xilka uga degtay xukuumadii Farmaajo iyo qaabkii uu ku yimid raysul wasaare C/weli Gaas oo uu sheegay inuu yahay nin reer Puntland ah.  Wuxuuna yiri;
“Kuwii nagu edab daroodayna oo fool xumada sameeyeyna hadda waad og tihiin nin WALBA MEESHUU KA DHACAY. Maantana qeyb weyn baanu ka nahay prime minister [raysul wasaare] reer Puntland ah ayaa jooga”.
Halkan ka dhageyso codkaasi
“Halkan isaga iyo labadiisa raysul wasaare ku xigeen oo wafdi halkaan ku yimid oo wadada la soo mariyey oo meel walba arkay. Waxaan ka heynaa EREYO WAAWEYN ragga la socday…” ayuu hadalkiisa ku sii daray Faroole.
“Baarlamaanka waa tuugo sida tuugta habeenkii bakhaarada u dhacda oo kale”
C/raxmaan Faroole oo weli hadalkiisa sii wata, mararka qaarna loo sacab tumayo ayaa u weecday dhinaca baarlamaanka KMG Soomaaliya.
“Waxaan rajeyneynaa in dawlada Soomaaliyeed oo ku iman doonta waqtigaan hadda aynu ku jirno ee sanadkaan aan ku jirno illaa 20-ka Agoosto inay noqoto tii rasmiga ahayd oo aan KMG oo Soomaaliya u dhalata… Baarlamaanka kooban lagaga heshiiyo [dhismihiisa], rag xulanti ah oo u qalma oo sidii tuugtii aan baarlamaanka jabsan sida kuwa habeenkii tuugta bakhaarada u dhacda oo kale oo aan isharaatiyeyn oo dad u qalma barlamaan inay ka mid noqdaan…..” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.
Faroole ayaa baaq u jeediyey odayaasha dhaqanka
“Dadka soo xulaayana ay ka fekeraan mustaqbalka Soomaaliya xilkaasuna saaran yahay odayaasha dhaqanka maxaa yeelay hadeer axsaab diyaar kama aha Soomaaliya. Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo dhan yaan appeal [codsi] u jeedinayaa waxaad soo xuleysaan ha noqdeen wax dadka maqli kara, nin jecleysi iyo qabyaalad [sidii halka caawa laga dhigaayey oo kale] haku soo xulanina” ayuu sii raaciyey.
Dhageyso codka
Wuxuu intaa ku sii daray “Hadeer waad maqleyseen shirka ka socda Jabuuti oo idaacaduhu sheegayeen oo ah barlamaanka IGAD, Kooxda burcad badeeda ee baarlamaanka jabsatay….. iyagana waa la aqbali waayey daaqadaa laga saarey”.
“JIRI SIYAASADEEDKA PUNTLAND”
Weli waa uu sii watay hadalkii, madaxweyne Faroole wuxuuna markaan dib ugu soo laabtay gudaha Puntland.
Wuxuu ku eedeeday rag uu ku tilmaamay inay maamulkii isaga ka horeeyay [Gen Cadde Muuse] ku jireen ayna wax qaban waayeen balse hadda ay bilaabeen inay dhaliilaan maamulkiisa.
“Jiri siyaasadeedka Puntland ka jira oo buushashka ka qeylinaya iyo kuwii maamuladii hore ku fashilmay oo waxay hadee soo ilaaween markii hore ay qaban waayeen maanta leh waxbaan qaban lahayn!”.
Gaagaab iyo xillgii uu ahaa wasiirkii Maaliyada
Faroole ayaa si gaar ah u taabtay waqtigii uu wasaarada maaliyada joogay Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo mushaharkii la bixin waayey.
“….OO MAXAAD ILAWDAY SADDEX SANO HADDAAN MUSHAHAR BIXIN oo aad maaliyada joogtay ama amnigii sugi weyday oo caradii burcad badeed qaadatay, oo hay’adihii kaa bexeen oo la wada afduubay.. oo ay noqotay odayaashii dhaqanka inay xaafadaha ka ururiyaan iyo wadaadada qaaraan ay yiraahdaan bal maamul dambaan ku sugeynaa”.
Halkan ka dhageyso codka
‘Barakacayaasha hala celiyo’
Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale ka hadlay dadka barakacayaasha ah ee ka imaanaya gobolada kale ee dalka ee imaanaya Puntland isagoo amray in ciidamadiisu ay celiyaan carruurta iyo haweenka soo barakacaya, baabuurta soo qaadana ay la wareegaan.
“…. Carruur iyo naago qoxooti iska soo dhigaaya waa la sheegayey oo baabuurta la socda arintaasi waxaan caawa halkan ka sheegayaa ciidamada amnigana aan farayaa, maanta halakan looma soo qaxo [hadda]. Abaarihii ummada gurmadka adduunka uga sameysay koonfur baa la geeyey Xamar iyo meelaha la xoreeyey Beledweyne hadda waa laga furayaa xeryo. Halkaa ninki ka yimaada ama soo qaxaya waa SHEYDAAN carruurtii iyo naagihii soo dirsaday….” ayuu yiri Faroole.
Halkan ka dhageyso codka

1 comment:

Anonymous said...

As always, so insightful and additionally useful blog post on Blogger: Somalia online.

Excellent!

Have a look at my blog - http://Offshore-Company.co/Offshore-Trust/

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...