Duulaanka ay dowladda Kenya kusoo qaaday dalka Soomaaliya ayaa laga dhaxlay faa'iido badan iyo dhibaato badan arrinkaasi oo si weyn looga hadal hayo gudaha dalka Soomaaliya.Dowladda Kirishtanka Kenya Diyaaradaheeda dagaalka ayay ku duqeysaa tuulooyin iyo degmooyin katirsan Gedo iyo Jubbooyinka waxaana duqeymahaasi ku shahiiday dad Rayid ah oo aan hubeysneyn.
Sidaasi oo ay tahay mujaahidiinta Soomaaliya ayaa hub casri ah ka helaya dhanka Kenyaatiga waana faa'iido kale oo laga helay ciidanka Kenya ee soo galay Jubbada Hoose iyo Gedo qeyb ka mid ah.
Gaadiid dagaal iyo hub casri ah ayay mujaahidiinta Soomaaliya ka heleen dhanka Kenya taasi oo ka dhigan in Kenya si dababan ay u hubeyneyso mujaahidiinta Soomaaliya.
Ciidanka Kenya ee Busaaraddu ku heysato Taabto iyo Dhoobley waxay soo qadimeen hub casri ah sida Qoryo casri ah,Rasaas iyo galab dagaaleed aan Soomaaliya horay u oolin.
Kenyaatiga Faqriga ah ciddii Lacag siisa waxay siinayaan hubka casriga ah oo ay kusoo dagaal galeen, ilo wareedyo ayaa sheegaya in hub badan oo ay ciidamada Mujaahidiintu ka qaniimeysteen cadawga Kenya uu kamid yahay awoodda ay mujaahidiintu isaga caabinayaan cadawga Xayo.
Dagaalkii Malxamadda ahaa ee ka dhacay Xayo iyo dagaalkii kale ee Buusaar ka dhacay ayay mujaahidiintu kusoo qaniimeysteen gaadiid dagaal iyo rasaas farabadan,faragelintii ay Mareykanka iyo Q.Midoobe kusoo sameeyeen Somaaliya sagaashameeyadii ayay Soomaalidu hub casri ah ka dhaxashay balse nasiib darro hubkaasi waxaa isku dilay beelaha Soomaalida.
No comments:
Post a Comment