Wednesday 4 January 2012

Xarakada Al Shabaab oo Jawaab ku Aadan Dilkii Dr.Axmed Sheekh u dirtay Beesha Leelkase (Bayaan).


Written by Administrator on .
somalimemo.netXarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta Jawaab rasmi ah kasoo saartay Bayaan dhawaan kasoo baxay Beesha Leelkase, taas oo ay Beeshu ku eedeysay Xarakada in ay ka dambaysay Dilkii loo geystay Dr.Axmed Cabdiraxmaan.

Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegay in markii hore aysan qorshaha ugu jirin inay Jawaab ka bixiyaan eedeymihii ay usoo jeediyeen Maamulka Cabdiraxmaan Faroole iyo Jamaacada Al-Ictisaam,maadaama labadaas kooxood looga bartay inay si joogta ah uga been abuurtaan Mujaahidiinta, Balse ay Jawaabta u bixinayaan maadaama ay beesha uu sheekhu ka dhashay ay Xarakada ka codsadeen inay Jawaab kasoo bixiyaan eeda loosoo jeediyay.

Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale Jawaabta ku sheegay in Gudiga ay beeshu u saartay inay baaritaan ku sameeyaan cidii ka dambaysay dilkii Sh.Axmed aysan wax xiriir ah lasoo samaynin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab si ay dhankooda uga ogaadaan go'aanka ay ka qabaan Dilka Sheekha iyo inay wax lug ah ku leeyihiin, arintaas oo ay Mujaahidiintu ku tilmaameen Marin-habaabin uu gudigu ku sameeyay amaanadii ay beeshu u xilsaaratay.

Jawaabta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay kasoo saareen eedeyntii Beesha Leelkase halkaan ka Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...