Wednesday 4 January 2012

Muxuu kusoo dhamaaday Dagaal Galabta ka qarxay Qooqaani Jubbada Hoose (Warbixin).


Written by Administrator on .
somalimemo.netMaata waxay aheyd maalin dagaallo culus cadawga Kenya ku qabsadeen deegaanno katirsan wilaayaatka Gedo iyo Jubbooyinka ee dalka Soomaaliya.

Wariyaha SomaliMeMo ee Jubbooyinka ayaa soo sheegay in ciidamada Mujaahidiinta ay galabta weerar ku qaadeen ciidan Kenyaati iyo Soomaali ah oo kasoo dhaqaaqay Qooqaani islamarkaana doonayay in ay weerar ku qaadeen Tuulada Xayo oo bishii lasoo dhaafay cadawga laga qabsaday.

Dagaalka Qooqaani wuxuu socday in kabadan Hal saac iyo Bar oo ay Mujaahidiinta iyo cadawga isku lisayeen rasaasta iyo madaafiicda, Ciidamada Mujaahidiinta oo maalmihii lasoo dhaafay dul deganaa Qooqaani ayaa jilibka ku aastay cadawga.

Meydadka 2 Askari ayay Kenya uga carareen goobtii lagu dagaalamay saraakiisha mujaahidiinta ee aagga Qooqaani waxay xaqiijiyeen in gaari dagaal uu ka gubtay cadawga islamarkaana uu ku basbeelay wadada bartameheeda.

Kenya iyo maleeshiyaadka la socda ayaa ku hungoobaya duulaanka ay kusoo qaadeen dhulka Cizziga iyo sharafta Jubbada Hoose iyo Gedo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...