Sunday 1 January 2012

Ergooyin aad ubadan ayaa ku soo qul qulaya Magaalada Taleex (Sawirro + Cod)

Share

Taleex (RBC Radio) Dhamaanba Isimadda, Cuqaasha iyo Ergooyinka Shirka ee jooga Taleex ayaa waftidan si heer sare ah ugu soo dhaweeyey magaaladda iyada oo meel magaaladda ka baxsan looga hortagay, waxana waftidan loo galbiyey Hoolka Shirka lagu qabanayo oo dhamanba Isimadda , G6 iyo waxgaradka kaleba ay kormeer ku soo mareen Teendhooyinka loogu talo galay inay u hoydan ergoyinka Shirka wada tashiga Beelaha SSC.
Xaflad Kooban oo ujeedkeedu ahaa soo dhawaynta Isimada iyo Ergooyinka Kasoo Kcitimay Buuhoodle ayaa kadhacday Hoolka shirka Waxaana xafladaasi ka hadlay Pro ali Khaliif ,Garaad jaamc garad Ismcail iyo Garaad Cabdilahi garaad soofe  oo dhamaatod shacabka reer talex u mahad celiyey.

Cabdifatax  Dhalac oo ah Afhayeenka Gudidda qaban qaabadda shirka ee Gudaha Taleex ayaa ka xog waramay qaabka ay u diyaariyeen Kaamka loogu talo galay ergooyinka shirka Khaatumo2 oo uu shirku ka dhacayo, waxa uu C/fatax  Dhalac sheegay in dhamaanba howlahoodii shaqo ay diyaar u yihiin ergooyinkana ku soo dhaweynayaan magaaladda Taleex isla markasna aysan Taleex cid gaar aysan lahan oo tahay magaalo loo wada siman yahay, islamarkaana ay dhamaaba ergooyinka iyo dadka belaha sscc kusoo waa dhawaynayaan.

Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyey goobtaas u mahadceliyey Gudiyadda qaban qaabadda shirka sida habsamidda leh ee ay u soo abaabuleen iyo qaban qaabadooda wanaagsan waxana uu sheegay Dr Cali in Shirka Khatumo ee Beelweynta SSC uusan noqon mid garnaqsi ee uu yahay mid umadan Aayaheeda kaga tashanayso dhamaan umadda Soomaaliyeedna ay soo Eegayso waxa ka soo baxa Shirka Khaatumo2 isla markaana ay san meesha jirin cid la waydiinayo wixii hore u xumaada hayeeshe shirkani uu yahay mid beel waynta SSC ay kaga tashanayso masiirkeeda danbe cidkasta oo u dhalatayna u shirkana ay kasoo qayb galayaan maskaxdoodana la dhagaysanayo waxa ka soo baxa.

Halkaan hoose Khudbad uu Prof Cali Khaliif Galeydh ka jeediyey Shirka
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa u mahadceliyey dhamanba Gudiyadda qaban qaabadda shirka Khaatumo2 iyo ergooyinka kale duwan ee ku sugan madasha Shirka ee Taleex, waxana uu Garaad Jaamac sheegay in uu ka mid ahaa Isimadii u yimi shaqaaqadii ka dhacay Taleex ayna hawshaas wax weyn ka qabteen isla markaasna inta yar ee u dhiman dhawaan la soo afjari doono, sidoo kale waxa uu garaadku sheegay in ay dhamaanba soo dhawaynayaan cidii kasta ee dantabeelwaynta dhulbahante wada.

Halkaan hoose Khudbad uu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ka jeediyey Shirka
intaas kadi garaad Cabdilaahi garaad soofe ayaa shacabkaiyo isimada reer ssc uga mahad celiyey sida diran ee loo soo dhaweyey  waxa uuna shegy in aanay talex ahayn magaalo reer balse ay tahay magaalo dhulbahante isagoo mrkaasna tusaale u soo qadanayey hadaladii iyo gabaygii Abwaan,Haalyey Ismaaciil mire ee ahaa **Anaagoo Taleex naal jihaad taladi Qaadnay* taasina y ahayd i kumanaan daraawiish ah oo dhulbahate wayne ahi inay markaas taleexjoogen  hadana ay nasiib wanaagtahay in 1 qarni kadib ay beelwaynta dhulbahante ku waada shiraan.


Mahad Cabdi Cali
Taleex

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...