Sunday 1 January 2012

Maamulka Dooxada Shabeelle oo waxba kama jiraa ku tilmaamay hadallo kasoo yeeray Dowladda KMG iyo Ahlusunna


Axad, Jannaayo 01, 2012 (HOL) − Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay maalintii shalay dagaalladu ka dhaceen magaalada Beledweyne islamarkaana xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab gacantooda ka baxday magaalada, waxaa ay warbaahintu siweyn ugu jahwareertay rasmi ahaa cida gacanta ku heysa magaalada marka laga raabo ciidamada dowladda Itoobiya.
Dowladda KMG, maamulka Ahlu Sunna Waljameeca iyo Dooxada Shabeelle ayaa si wada jir ah uga hadllay dagaallkii maalintii shalay iyadoo mid walba oo ka mid ah uu gaar u sheegtay in ay iyagu gacanta ku hayaan.

Wasiirrka warfaafinta maamulka Dooxada Shabeelle Max’ed Nuur Caga-joof ayaa isaga oo ku sugan magaalada Beledweyne waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar saacadihii aynu soo dhaafnay warbaahinta laga sii daayay kuwaasoo sheegay in dowladda KMG iyo Ahlu Sunna Waljameeca qeyb ka yihiin xoogagga la wareegay magaalada Beledweyne.
"Waa waxba kama jiraan sheegashada dowladda KMG iyo Ahlu Sunna Waljameeca, magaalada Beledweyne waxaa gacanta ku haya xoogagga maamulka Dooxada Shabeelle oo gacan militari ka hellaya ciidamada Itoobiya, sidaa daraadeed micno badan malaha in warbaahinta laga sii daayo hadalo aan sal laheyn ayuu yiri,’’ Max’ed Nuur Gaga-joof oo warfaafhinta u qaabilsan maamulka Dooxada Shabeelle.
Waxaa uu intaa ku darray in aan marnaba la arki karin cid ka aan ka tirsaneyn maamulka oo hub ku dhax sidata gudaha magaalada, isaga oo sheegay in cidii lagu arko hub sharci darro ah maamulku talaabo ka qaadi doono.
"Shacab-ka waxaa ku wargalineynaa in ay laamaha nabad-galyada la soo xiriiraan haddii ay arkaan arrimo nabad-galyada wax u dhimi kara, waxaana ugu baaqeynaa dadku in ay dib u furtaan goobahooda ganacsiga,’’ ayuu yiri,’’ Max’ed Nuur Caga-joof.
Hadalka ka soo yeeray maamulka Dooxada Shabeelle ee maalintii shalay la wareegay gacan ku heyntan magaalada Beledweyne iyaga oo kaashanaya dowladda Itoobiya, ayaa ku soo beegmaya xili saacadihii aynu soo dhaafnay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljameeca siyaabo kala duwan u sheegteen in ay la wareegeen magaalada Beledweyne.
Gudaha magaalada ayaa lagu dhax arkayaan gawaarida dagaallka oo ay ku asteysan tahay calaamada u gaarka ah maamulka Dooxada Shabeelle, kuwaasoo ku sugan saldhiga baliiska, xarunta maamulka gobollka, iyo xabsiga magaalada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...