Friday 20 January 2012

Faahfaahin: Dagaalkii Muqdisho oo La Isku Habeensaday iyo Hubka Culus oo Caawa La Maqlayo

Share
Muqdisho (RBC) Dagaalkii cuslaa ee saaka ka bilawday magaalada Muqdishooo u dhexeeya ciidamada DKMGiyo kuwa AMISOM oo wadajira iyo ururka Al-Shabaab ayaa caawala isku habeensaday iyadoo dagaalku sii xoogeystay.
Dagaalkan oo duhurnimadii maanta qaboobay ayaa galabta dib u soo cusboonaaday ka dib markii ciidamada Al-Shabaab ay weerar rogaal celis ah soo qaadeen.
Dagaalkan caawa ayaa xoogiisa ka socda deegaano dhanka duleedka waqooyi ee degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid, gaar ahaan duleedka qubuuraha Barakaat oo xagga Waqooyi ka xiga wadada warshadaha. Waxaa caawa la maqlayaa hugunka madaafiicda culus inkastoo dhulka lagu dagaalamayo uu yahay dhul bannaan oo magaalada ka baxsan.
Ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ayaa saaka isku ballaariyey deegaano ka baxsan magaalada halkaasoo ay joogeen ciidamada Al-Shabaab. Waxayna saraakiisha DKMG iyo AMISOM maanta sheegeen inay dhulbaaxad leh ka qabsadeen Al-Shabaab.
Dhanka Al-Shabaab ayaa waxay saraakiishoodu sheegayaan inay gawaari ka gubeen DKMG dadna ka dileen dagaalkii maanta.
Dad ka madax bannaan dhinacyada dagaalamaya ayaa u sheegay Raxanreeb in dagaalka uu u ku sii fidayo deegaano ku dhow Ceel Cirfiid taasoo ka dhigeysa in DKMG iyo AMISOM markii ugu horeysay ee ay bannaanka caasimada u dhaqaaqaan.
Dagaalka maanta ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 ruux oo ah dhinacyada dagaalamaya. Sarkaal ka tirsan ciidamada DKMG oo lagu magacaabi jiray Siciid Barre ayaala xaqiijiyey in dagaalka maanta uu ku geeriyooday.
Dhanka dadkii deganaa deegaanada Ceelasha Biyaha iyo Lafoole ee duleedka Muqdisho ayaa bilaabay inay ka soo barakacaan deegaanadaasi iyagoo dib ugu soo laabanaya magaalada Muqdisho. Barakacan ayaa ka dhashay duulaanka maanta ay qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG oo ku sii dhowaanaya duleedka Muqdisho iyadoo dadku ay ka cabsi qabaan in deegaanadaasi dagaalku ku fido khasaarana uu ka soo gaaro.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...