Saturday 21 January 2012

Madaxweyne Faroole oo Wada Xaajood ugu Jira Dib u Soo Celinta Mashruucii Shirkadda Saracen Ee Joogsaday (Warbixin)


Share
Dubai (RBC) Iyadoo madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku sugan yihiin magaalada Dubai ee wadanka Imaaraadka Carabta ayaa wararka halkaasi naga soo gaaraya waxay sheegayaan in madaxweyne Faroole uu dadaal ugu jiro sidii dib loogu soo celin lahaa mashruucii shirkadda Saracen International oo horey maamulka Puntland heshiis ugula gashay tababarida ciidamada badda kaaso hadda joogsaday.
Ilo wareedyo ku dhow wafdiga madaxweyne Faroole ayaa u xaqiijiyey Raxanreeb in madaxweynuhu maanta iyo xalay uu kulamo la yeelanayay saraakiil ka irsan shirkadda Saracen oo ah shirkad laga leeyahay wadanka Uganda balse xarunteedu tahay Dubai iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan dawlada Imaaraadka oo bixinayey maalgelinta ku baxaysa mashruucaan.
Hawshii shirkadda Saracen ayaa joogsatay ka dib markii dawlada Imaaraadka ay joojisay bixinta dhaqaalihii ku bixi lahaa mashruuca tababarka ciidamada badda ee la dagaalanka burcad badeeda sababo la xiriira shaki ay muujiyeen Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee “UN Monitoring Group” iyo dawlada Mareykanka.
Dhowaan [8-Jan 2012] ayaa madaxeyne Faroole hadal uu ka jeediyey madaxtooyada Boosaaso wuxuu kaga dhawaajiyey in hawshii shirkadda Saracen ay ka qaban lahayd Puntland la carqaladeeyey, balse wuxuu sheegay in maamulkiisu ku dedaali doono sidii dib loogu soo celin lahaa mashruucaasi. [Halkan ka akhri hadalkii madaxweynew Faroole]
Saracen International iyo Puntland
Shirkadda Saracen oo laga leeyahay Uganda hawsheeduna tahay amaanka ayaa Puntland kula heshiisay tababarida ciidamada badda ee loogu talogalay la dagaalanka burcad badeeda aafeysay xeebaha dalka,  waxayna shirkaddasi xero ciidan iyo garoon diyaaradeed oo qarsoodi ah ka sameysatay duleedka Boosaaso. [Daawo sawiro]
Qalabkii ay Saracen ka dejisay Dekeda Boosaaso Oktoobar 2011
Laakiin hawsha shirkaddan ayaa tuhun weyn ku abuurtay wadamada adduunka iyo Qaramada Midoobay iyadoo looga shakiyey in ay ku xadgudubto cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Shirkaddan ayaa markab sida qalab ciidan kala soo degtay dekeda Boosaaso  bishii Oktoobar kaasoo masuuliyiina Puntland ay markii hore ku sheegeen deeq raashiin ah oo ka timid Imaaraadka Carabta. [Akhri wasiirka maaliyada Puntland oo hadalkaasi sheegay]

Saracen waxay sidoo kale heshiis kan la mid ah ula saxiixatay DKMG inkastoo xilligii xukuumaddii raysul wasaare Farmaajo laga joojiyey heshiiskaasi.
Maamulka gobolka Bari ayaa dhul ku dhow dekeda Boosaaso oo bishii Oktoobar 2011 ay ka qaadeen ku dhowaad 1,000 qoys oo mudo dheer deganaa waxay ku wareejiyeen shirkadda Saracen oo la sheegay in ka dhisaneyso xero ababar, walow markii hore dhulkaasi dadka looga qaaday in ballaarin loogu sameynayo dekeda. [Akhri warbixin]
Maamulka Puntland wuxuu sheegayaa in shirkaddan ay faa’iido u tahay maamulka maadaama ay tababareyso ciidamo badda ka hawlgala.
Hase yeeshee dawladaha deriska iyo dawlada Mareykanka ayaa iyagu walaac ka qaba in shirkaddan ay saameyso xiisadaha u dhexeeya Puntland iyo Somaliland iyo in amaandari hor leh ay ka abuurto deegaanka.
Wada hadaladan madaxweyne Faroole ka bilaabay Dubai ayaa qaadan doona maalmaha soo socda iyadoo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaan.
___________________________________________
RBC Radio
Xafiiska wararka Nairobi

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...