Saturday 21 January 2012

Mudaaharaad Rabshad Wata oo ka Dhacay Laascaanood iyo Ciidamada Somaliland oo Dad Ku Dilay Magaalada


Share
Laascaanood (RBC) Ugu yaraan labo ruux oo rayid ah ayaa la toogtay labo kale oo midi haweeney tahay way dhaawaceen ka dib markii maanta dibadbax rabshad wata uu hareeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Wararka ayaa sheegaya in dadweyne tiro badan oo taageersan maamulka cusub ee Khaatumo State ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Taleex ay isugu soo bannaanbexeen waddooyinka magaalada Laascaanood iyagoo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah maamulka Somaliland.
Dibadbaxa oo aad u ballaarnaa ayaa xoogeystay ka dib markii ciidamada Somaliland ee ku sugan magaalada ay damceen dadka inay kala ceyriyaan hase yeeshee ay markii dambe isku dheceen.
Labo wiil ayaa ku geeriyootay rasaas ay ciidamada Somaliland dadkii bannaabaxayey ay ku fureen, waxaana ku dhaawacmay labo ruux oo mid ay tahay haweeney taasoo xaaladeeda aad u culus tahay.
Goobjooge ku sugan Laascaanood ayaa Raxanreeb u sheegay in dadku ay dhagxaan kula dagaalamayeen ciidamada Somaliland oo iyaguna dadka rasaas hoosta ugu dhigay.
Dadka bannaanbaxayey ayaa sidoo kale dhagaxtuuray goobihii ganaciga ee furnaa iyagoo ku dhawaaqayey in dibadbaxa laga oo wada qebgalo.
Xaalada Laascaanood ayaa illaa haatan kacsan waxaana xiran dhamaan ganacasiga iyo waddooyinka oo ay dadkii bannaanbaxayey ku gooyeen dhagxaan iyo taayirada baaburta.
Dhanka kale wararka qaar ayaa sheegaya in bannaanbaxa maanta uu fashiliyey qorshe maamulka Somaliland ku doonayey in dad baabuur looga keenay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ay dibadbax lagu taageerayo Somaliland uga dhigaan Laascaano, si looga dhigo in dadka reer Laascaanood ay taageersan yihiin Somaliland.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...