Wednesday 4 January 2012

Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya (Faahfaahin)

Madoobe Nuunow Maxamed oo Loo Doortay

Share
Madoobe Nuunow Maxamed oo loo doortay gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya
Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow la soo gabagabeeyey doorshadii gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ee galabta ka socotay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho iyadoo afhayeenka cusub ee baarlamaankana loo doortay Madoobe Nuunow Maxamed.
Doorashadan oo galabta ka dhacday xarunta baarlamaanka ayaawaxaa kutartamay 5 musharax kuwaasoo oo uu kaga guuleystay Madoobe Nuunow Maxamed.
Kulanka maanta waxaa fadhiyey 287 mudane oo uusan ku jirin shir gudoonka Axmed Dhimbil Rooble Case. Doorashada ayaa ahayd mid qarsoodi ah oo sanduuq lagu codeynayey, waxaana wareegii koowaad ee doorshada ku tartamay:
1- Xildhibaan Madoobe Nuunow oo ku hogaaminayey 130 cod
2- Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo heley63 cod
3- Xildhibaan Xuseen Cumar oo heley 33 cod
4- Xildhibaan Sheekh Nuur Cali Aadan oo heley 16 cod
5- Xildhibaan Cali Afgooye oo heley 16 cod
Waqtiga oo habeen noqday darteed iyo doorashada oo dheeraatay ayaa markii dambe waxaa tanaasulay musharaxiintii kale taasoo keentay in si toos ah codadkii ay heleen musharixiinta kale lagu wareejiyo Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed.
Markii doorshada ay dhamaatay ka dib ayaa waxaa natiijada codeynta ku dhawaaqay shir gudoonka baarlamaanka oo sheegay in doorshadii afhayeenka baarlamaanka uu ku guuleystay Madoobe Nuunow Maxamed, waxaana intaasi ka dib goobta lagu dhaariyey Madoobe Nuunow Maxamed oo hadal kooban oo uu jeediyey ku ballanqaaday inuu ka shaqeyndoono midnimada baarlamaanka. Wuxuu sheegay inuu shacabka u shaqeyn doono uuna dhowaan dhisi doono guddiyadii baarlamaanka lahaa.
Gudoomiyaha cusub ayaa waxaa goobta ka gelbiyey ciidamada Amisom oo iyagu suga amaanka masuuliyiinta ugu sareysa DKMG.
Doorashada maanta lagu doortay afhayeenka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dambeysay xilka qaadis 13-kii bishii Disembar 2011 mudanayaashu ku sameeyeen Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilkaasi hayey tan iyo May 2010. Sidoo kale xildhibaanada ayaa maanta xilkii ka qaaday gudoomiye ku xigeenkii koowaad C/weli Muudey.
Inkastoo doorshadan ay maantadhacday haddana waxaa la isweydiin karaa wadada ay qaadan doonaan labada Shariif oo saaxiibo mudo dheer ahaa isla markaana diidan xilka qaadista Shariif Xasan lagu sameeyey.
Sidoo kale beesha caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobay oohorboodeysay heshiiskii Kampala ayaan cadeyn sida ay uga jawaabi karaan doorashadan maanta ka dhacday xarunta golaha shacabka Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...