Wednesday 4 January 2012

Hogaanka SSC iyo waxgaradka Buuhoodle oo wada hadal u furay laba beelood oo shaqaaqo ka dhaxeysay (Sawirro+ Cod)

Share
Taleex (RBC Radio) Kulan ay soo qaban qaabiyeen odayaasha iyo Waxgaradke deeganka Buuhodle iyo Maamulka SSC ayaa waxa uu ka dhacay geedka Gadafta leh waxan ay u jeedadiisu aya aheyd xalinta Qilaafka ka dhaxtaagan labadan beelood oo wada daga Taleex waxse haatan duqayda labada beelood ay ka aqbaleen talaabo kasto oo lagu dhax dhaxaadinayo.

Caaqil Maxamuud Cameey
Halkaan hoose ka Dhageyso Khudbadii Caaqil Maxamuud Cameey

Ugu horeen ayaa waxa madashan ka hadalyCaaqil Shiine Xaaji Cali shire oo ku hadlayey magaca Beesha dhibtu ay soo gartay ayaa waxa uu uga mahad celiyay Waxgaradka reer Buuhodle iyo Hoganka SSC  wada hadalka ay u fureen labadan been waxa uu ku amaanay sida ay ugu heelan yihiin ka shaqenta nabada.

Caaqil Shiine
Halkaan hoose ka Dhageyso Khudbadii Caaqil Shiine

Hogaanka SSC Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo gaaro Taleex  uga mahad celiyey sida wanagsan ay uga aqbaleen ama ay uga ajiiben  in ay soo dhaxgalaan ayna wada hadal bilaaban.

Halkaan hoose ka Dhageyso Khudbadii Xagla toosiye

Caaqil Maxamuud Xaaji Cumar Cameey oo ka midah  caaqilada sida weyn loqadariyo  ayaa waxa uu ku dheeraday xalinta qilafkan ka dhax tagan labadan beel waxan uu sheegay in ay muhiim tahay in lagu wada noolaado Nabad islamarkaan laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa nabad watra.
Shaqaaqadan labada beelood dhax martay dhamaadkii sanadkii aan ka soo gudubnay ayaa waxaa ku dhintay laba nin sadax kale an ay ku dhaawacmen waxan horalogu fashilmay in waxa laga qabto howshan balsi ergadan ka socota Buuhoodle ayaa markale dib u gashay waxan la filayaa in ay wax badan iska badalaan.

Mahad Cabdi Cali
Raxanreeb,Taleex
Nakal143@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...