Monday 23 January 2012

Hotel 2-Maalmood Lagu Dhisay


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Monday, 23 January 2012 18:17

Magaalada Changsha ee dalkaasi Shiinaha ayaa waxaa ka dhacay arin ay aad ula yaabeen dhamaan dadka adduunka ka dib markii hoteel dhan oo casri ah oo 15 dabaq ama biyaano ah oo ay wax walbana u dhan yihiin lagu dhisay oo dhismihiiisa oo dhan uu qaatay 2 maalmood oo qura


Kambaniga lagu magacaabo De Broad Corporation Zhang Yue oo ah Kambani qaabilsan dhismaha kana howl gala dalkaasi shiinaha ayaa waxaa u suuro gashay inuu hoteelkaasi casriga ah ee 15ka dabaq ah ay ku qaadato dhismihiisa mudadaas aadka u yar ee ah 2 maalmood ayadoo welibana aysan jirin wax ka maqan hoteelkaasi wax walbana ay u dhan yihiin arintaas oo ah wax cajiib ah.


Ugu dambeyntii iyadoo dalkaasi Shiinaha ama dadka reer shiinaha ay ku caan baxeen shaqo badnaan iyo horumar balaaran ayaa dhismaha hoteelkaan waxaa min biloow ilaa iyo dhamaad laga duubay filim adigoo run ahaantii la socon doono heerarka uu maray iyo sida 2 maalmood looga falxashay hoteelkaas dhismihiisa.


Daawo Kartida Shiineyska iyo Hotelka oo 2-Maalmood gudahood lagu dhisay:

Adobe Flash Player not installed or older than 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...