Monday 23 January 2012

XOG: Nin Watay $2 Milyan oo Kaash ah oo Lagu Qabtay Garoonka Muqdisho oo La Siidaayey!


 
Share
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Muqdisho (RBC) Shabakada Raxanreeb ayaa ogaatay in nin Soomaali ah oo sitay lacag kaash ah oo aad u fara badan oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho maalintii shalay si fudud loo siidaayey ka dib markii ay sidaasi amreen xubno xilal sare ka haya xukuumadda KMG Soomaaliya.
Maalintii Shalay [Axad 22, Jan 2012] abaarihii 9:00 subaxnimo waqtiga Soomaaliya ayaa ciidanka nabadgelyada Dawlada KMG Soomaaliya waxay qabteen nin Soomaali ah oo sida la sheegay reer Muqdisho ah kaasoo boorso ku sitay lacag kaash oo dhan $2 Milyan [laba milyan doolar].
Ninkan oo aan magaciisa la faafin ayaa ku qornaa mid ka mid ah diyaaradaha rakaabka ee Soomaalida oo uu garoonka ka raaci rabay, wuxuuna xilligaasi u safraayay Magaalada Boosaaso.
Ciidanka Booliiska ee garoonka Adan Cabdulle jooga oo qabtay ninkan ayaa ku amray ninkaasi inuu ka haro duulimaadkii uu ku qornaa waxayna u kexeeyeen saldhiga amaanka ee garoonka.
Markii saraakiisha baaritaanka ee booliska garoonka ay weydiiyeen ninkan sababta uu laba milyan doolar kaash ah ula raacayey diyaarad ayaa wuuu ku jawaabay inuu lacagtaasi u watay ganacsi caadi ah oo  uu kuleeyahay magaalada Boosaaso.
Wuxuuna Ninka sheegtay inuu lacagtan kala soo baxay shirkadda Xawaaladda ee AMAL sida Raxanreeb ka soo xigatay sarkaal goob joog u ahaa baaritaanka.
Hase yeeshee saraakiisha booliska ayaa xiray ninkii lacagta watay ka dib markii uu ku adkeystay in lacagta uu isagu leeyahay, Lacagtiina way ka hayeen oo isla saldhigga garoonka diyaarada ayaa la dhigey.
Booliiska waxay tuhunsanyihiin in lacagtan ahayd mid u socotay burcad badeeda oo madaxfurasho ahaan ay ahayd in loo geeyo meesha ay u socotay.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...