Wednesday 11 January 2012

Kenya "Ciidamadii Al-Shabaab ee nala dagaalami lahaa dhanka Beledweyne ayaa loo daabulay".


Written by Administrator on .
somalimemo.netDawladda Kenya ayaa ciidamadeeda ku sabsabeysa warar ku aadan in ay heshay xog sheegeysa dhamaan Ciidamadii Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka dagaalamayay Wilaayaadka Gedo iyo Jubbooyinka badankooda in loo daabulay dhanka magaalada Beledweyne oo ay sheegeyso Kenya halkaasi in Mujaahidiintu ay ka wadaan abaabul dib ay ugu qabsanayaan magaaladaasi.

Inkastoo wax sabab ah aan loo sameyn karin hadalada ceynkani oo kale ah ee Kenya ay ka sheegto Al-Shabaab ayaa hadana aan aheyn kuwo cusub, iyadoona dhawaan afhayeen u hadlay Ciidamada uu sheegayay in dawladdoodu ay heleen xog sheegeysa Mujaahidiinta oo kala qeybsan iyo arrimo kale oo ay dadku la yaabeen.

Arrinta ay ku sheegeen ciidamada laga soo saaray Wilayaadka Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa ka xigtay bog lagu magacaabo Strategy Page oo wax ka qora arrimaha Mujaahidiinta Caalamka, waxaana boggaasi uu xusay in Mujaahidiinta Somaliya ay dareemayaan khatar kaga soo fool leh isbaheysiga cadowga ah, iyaguna ay wadaan inta karaankooda ah dadaal dhanka warbaahinta ah oo ay Umadda Somalida iyo Caalamka kula hadlayaan.

Dawladda Kenya ayaa gumaadyo kala duwan ka geysatay deegaano ka mid ah Gedo iyo Jubbooyinka, waxeyna mar waliba sheeg/*aan afhayeenadoodu in ay dileen saraakiil iyo askar ka tirsan Mujaahidiinta, iyagoona iska indha tiraya wararka dadka deegaanka iyo warbaahinta xorta ah ee ku aadan waxyeelada dhabta ah ee ay gaarsiiyaan dadka maatida ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...