Wednesday 11 January 2012

Xiisad ka taagan gudaha magaalada Beledweyne.


Written by Administrator on .
somalimemo.netWaxaa sii kordhaya ismaan dhaafka dhanka siyaasadda ee ka dhex taagan dabadhilifyada Itoobiya ee doonaya mid waliba in uu magaalada Beledweyne isagu ku magacownaado, iyadoo ay ogaal ku yihiin magaaladaasi in aaney kaligood difaacan Karin.
Xiisadahaasi ayaa ka dhexeeya dhinacyada kala ah DKMG, Dooxada Shabelle, Gal-Hiiraan, iyo kooxaha Suufiyada, waxaana dhamaantood ay ku wada tartamayaan in ay helaan taageerada Milatariga Itoobiya ee magaaladaasi duulaanka ku qabsaday.
Arrimahan aya la sheegayaa sidoo kale in ay sii hurisay socdaal dhawaan magaaladaasi uu ku gaaray R/Wasaaraha maamulka Shariif Sh Axmed, iyadoona dhinacyada qaarkood ay sheegayaan kan kale in aanu awood u lahaan Karin haddii Itoobiyaanku baxaan magaaladaasi in uu ka difaaco Mujaahidiinta.
Taariikhda ayaa qoreysa dabadhilifyada cadowga ee magaca Somaliyeed sheegta kuwaasi oo xilli waliba harharaaga cadowga isku qabsada, hayeeshee geesiyaasha Islaamka iyo Umadda shafateeda u kacdoontay waxey banaanka ka taagan yihiin kooxahaasi iyagoona la jihaadaya cadowga gumeystaha ah ee dhulka qabsaday.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...