Monday 2 January 2012

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Warqadii Talo iyo Tusaale Beeniyey (Akhri Farriin uu Nasoo Gaarsiiyey)

Share

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/laahi Yuusuf Axmed
Ugu horeyntii waxaa salaan ballaaran u dirayaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed meel walba ay ku kala nool yihiin anigoo ka faa’ideysanaya curashada sannadka cusub ee miilaadiga ah, waxaan Alle ooga baryayaa sannadkan iyo kuwa xigga ee tirada badan ee inagu soo fool leh in uu ina siiyo ummada Soomaaliyeed nabad gelyo, naxariis, midnimo iyo dowladnimo waarta ee dalka xasilisa, Alle Idinkii.
Waxaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 1da Janaayo, 2012 ku soo baxay Website-yada Soomaalida iyo wargeysyada ay aqristaan qaarkood war sheegayey in Warqad Furan oo ay qoreen koox isku magacowdey TALLO IYO TUSAALE FORUM ee ku socota Mr. Ban Ki Moon Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Urrur Gobolleedka IGAD, Urrurka Jamaacada Carabta iyo Golaha Amaanka, warqadaas oo lagu dhaleecaynayey go’aamadii ka soo baxay shirkii Bishii December 24keda lagu qabtay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, kasoo ahaa shir wada tashi ee daba taagan midkan kii ka horeeyey ee lagu qabtay Magaallo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Haddaba waxaan ummada Soomaaliyeed iyo Hey’adahii Caalamiga ahaa ee loo diray Warqadan Furan u sheegayaa in anigu ka Cabdullahi Yuusuf ahaan haba yaraatee aanan ku lug laheyd Warqadan Furan iyo Waxyaabaha ku qoran, waxaan kaloo xaqiijinayaa in kooxdan Soomaaliyeed ee sheeganaysa TALLO IYO TUSAALLE aanan aqoon dadka ay yihiin, halka ay kala joogaan, mabda’ooda siyaasadeed iyo Soomaalinimaba waxa uu yahay, ayna nasiib daro tahay in magacayga loo isticmaalo waraaq furan oo aanan aas-aaskeeda waxba ka ogeyn. Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...