Cadaado (RBC) Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka qeyliyey makiinad lagu daabaco lacagta Shilin Soomaaliga taasoo magaalada Cadaado dhexdeeda ay keensadeen rag ganacsato deegaanka ah.
Makiinad oo hadda shaqeyneysa mudo dhan lix bilood ayaa waxay soo saartaa lacagta kunka shilin ee Soomaaliga kaasoo lagu daabaco warqado been abuur ah.
Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan [Tiiceey] ayaa sheegay in maamulkiisu uusan ogolaan doonin in makiinadaasi soo saarta waraaqaha been abuurka ay sii jirto, wuxuuna uga digay dadweynaha iyo ganacsatada inaysan lacagtaasi wax ku iibsan.
Makiinadan oo dibedaha laga keenay ayaa hadda soo saarta tobanaan milyan oo shilin Soomaali ah. Waxaana lacagtaasi doolar loogaga bedeshaa suuqyada degmada Cadaado iyo deegaanada ku dhow.
Lacagtani waxay gaartaa ilaa Gaalkacyo oo badeecado looga soo iibsado badeecado kala duwan, sida ganacsatada deegaanka ay u sheegeen Raxanreeb.
Cadadka lacata ay soo saarto
Illaa hadda lama hayo tirakoob rasmi ah oo ku saabsan cadadka lacagta ay daabacday makiinadan, laakiin mid ka mid ah dadka ka shaqeeya makiinada oo codsaday inaan la sheegin magaciisa ayaa Raxanreeb u sheegay in qiime gaaraya 8-10 milyan toddobaadkii ay soo saaraan.
Ninkaasi wuxuu kaloo Raxanreeb u sheegay inaysan soo saarin lacagta shanta boqol shilin, “waayo hadda kama shaqeyso gobolada koonfureed oo inta badan ganacsiga Cadaado uu ku xiran yahay”. Sabab kale ayaa ah in kharashka ku baxaya sameynta shanta boqol iyo faa’iidada laga helayo marka la daabaco inaysan islahaan doonin.
Mudadii lixda bilood ahayd ee ay lacagta cusubi soo saareysay makiuinada ayaa la sheegayaa in faa’iido badan ay ka heleen ganacsatadii maalgashatay oo degan magaalada Cadaado.
Ganacsatada magaalada Cadaad oo qarkood aan weydiinay siday u arkaan makiinadan waxay sheegeen in saameyn weyn ay ku yeelatay nolosha dadka caadiga ah, maamulkuna uusan waxba ka qabaneyn.
Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb oo hadda safa ku maqan wuxuu sheegay inuu amray in makiinadan sameysa waraaqaha lacagta ah la xiro laakiin lama oga sida amarkaasi uu ku dhaqangeli doono.
Walaaca dadka deegaanka
Dadweynaha reer Cadaado iyo ganacsatada jeeb yarka ah ayaa sheegay in makiinadan ay dhuunqabad ku tahay noloshooda maadaama koox yar oo magaalada degan ay dhaqaalihii dadweynaha urursanayaan ka dibna ay iyagu ku faa’iideeyaan halka bulshada inteeda kalana ay bedel u helayaan waraaqo been abuur ah.
Tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dawladii dhexe ee dalka 1991, waxaa dalka la soo geliyey balaayiin shilin oo lacago ah kuwaasoo badankood dibeda lagu soo daabacay. Waxaana lacagahaasi ay sababeen sicir barar heer noloshii dadka danyarta ahayd ay dhulka gashay.
Hase yeeshee makiinadii ugu horeysay ee lacag ku daabacda dalka gudihiisa waxaa sanadkii 2006 laga sameeyey magaalada Boosaaso taasoo ay lahaayeen ganacsato ganacsaar la lahaa maamulkii xilligaasi ka jiray Puntland iyo hogaankii DFKMG ee Baydhabo joogtay.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho
Email: Raxanreebmuqdisho@gmail.com

No comments:
Post a Comment