Tuesday 10 January 2012

Shirkii “Khaatumo 2″ oo Maanta Lagu Go’aamiyey Dhismaha Maamul Goboleed Ka Arimin Doona Deegaanada SSC


 
Share
Taleex (RBC) Ergooyinka ka qeybgalaya shirka wadatashiga beelaha SSC ee “Khaatumo 2″ ayaa maanta go’aamiyey in maamul goboleed ka arimiya deegaanada SSC la yagleelo, sida uu Raxanreeb u sheegay afhayeenka guddiga qabanqaabada shirka ee G6 Aadam Shuuriye.
Ergada ayaa si cod buuxa isugu raacay mabda’ ahaan muhimada uu yeelan karo maamul goboleed Soomaaliyeed oo u adeega danaha dadka reer SSC oo ka kooban Sool, Sanaag iyo Ceyn.
“Ergadu waxay si buuxda, iyadoon qofna diidin isku raaceen sameyn maamul deegaanada SSC yeeshaan” ayuu yiri Aadam Shuuriye.
Magaca maamulkan, xuduudahiisa iyo halka ay noneyso xaruntiisa ayaa la sheegay in maalmaha soo socda laga arinsan doono, Waxaana lagu wadaa in tobanka maalmood ee soo socda la soo saaro faahfaahin dheeraad ah oo la xiriira siyaasada iyo habka uu u shaqeynayo maamulkan maanta laga go’aamiyey shirka Taleex.
Maxay noqoneysaa xaalada Laascaanood?
Waxaan afhayeenka shirka weydiinay waxa shirweynaha Taleex ka yeelayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo hadda uu ka taliyo maamulka Somaliland.
“Laascaanood waa sax waa magaalo ka tirsan deegaanka SSC waxaana arinteeda ay u taalla dadka ka qeybgalaya shirka Taleex inay iyaga go’aamiyaan” ayuu yiri Aadam Shuuriye.
Wuxuu afhayeenku intaa ku daray in shirka Taleex aan dagaal looga dhawaaqeyn balse ay filayaan inay nabad kula noolaadaan maamulada deriska la ah.
Mustabalka maamulkii SSC
Aadam Shuuriye oo aan weydiinay halka uu ku dambeyn doono maamulkii SSC ee xaruntiisu ahayd Buuhoodle ee uu madaxweynaha ka ahaa Suleymaan Xaglatoosiye ayaa sheegay in maamulkaasi uu soo dadaalay uuna wax badan u qabtay dadka reer SSC hase yeeshee go’aan rasmi ah lagasoo saari doono 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...