Tuesday 10 January 2012

Beledweyne: Haweeney Xalay La Kufsaday iyo Dhac Dadka loo Geysanayo (Warbixin)


 
Share
Beledweyne (RBC) Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in rag hubeysan oo ka tirsan maamulka Dooxada Shabeelle ee gacanta ku haya magaaladaasi ay magaalada ka geysanayaan falal lagu dhibaateynayo dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Beledweyne.
Habeenkii xalay ayaa koox hubeysan waxay qeybta galbeedka ee magaalada Beledweyne [Qarraxsin] ku kufsadeen haweeney miskiin ah oo la sheegay inay ka mid tahay dadka deegaanka Beledweyne mudada dheer deganaa, sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegtay haweeney degan magaalada oo codsatay inaan magaceeda la sheegin.
Waxay sheegtay inay iyadu la kulantay haweeneyda la kufsaday ayna dhibaateeyeen raggii gabadhaasi kufsaday.
Shabakada Raxanreeb waxay la xiriirtay Axmed Cismaan oo ku magacdheer ‘Axmed Inji’ oo ka tirsan maamulka Dooxada Shabelle oo hadda magaalada gacanta ku haya, wuxuuna sheegay in baaris lagu wado kiiskii xalay magaalada ka dhacay isagoo sheegay in nin looga shaki qabo inuu kamid ahaa raggii kufsiga geystay la xiray haddana lagu hayo saldhiga.
Amaandari soo kordheysa
Labo ruux oo ku nool Beledweyne oo aan iyaguna wax ka weydiinay xaalada magaalada ayaa sheegay in beryahanba ay sii kordhayeen falalka amaan darrida ee ay magaalada ka geysanayaan rag hubeysan oo maleeshiyaad ah kuwaasoo ka tirsan maamulka Dooxada Shabeelle.
Waxyaabaha dadku sheegayaan waxaa ka mid ah in habeenkii dadka laga qaato telefoonada gacanta [mobil] iyo lacagaha ay wataan marka ay guryahooda ku sii socdaan. Waxaa iyana toddobaadkan magaalada ka jira kooxo habeenkii guryaha u dhaca oo dadka ka booba waxa ay heystaan.
Meelaha ugu badan ee falalkan ka dhacayaan ayaa ah qeybta galbeed oo dadka reer Beledweyne u yaqaanaan ‘Qoraxsin’ iyo goobo dad barakacayaal ah ay degan yihiin oo ku yaalla bartamaha magaalada.
Dadka ayaa loogu hanjabayaa eedeymo ay ka mid yihiin inay Al-Shabaab taageeri jireen xilligii ay magaalada heysteen iyo in dumarka ay ku lebistaan dhar waaweyn, sida ay noo sheegeen dadkii aan la hadalnay.
Maleeshiyaad hubeysan oo aan cidina ka amar qaadan ayaa sidoo kale la sheegayaa inay magaalada ku soo badanayaan beryahan dambe taasoo sii adkeyneysa amaan darrida baahsan ee haaatan ka jirta Beledweyne.
Saraakiisha Dooxada Shabeelle ayaan rabin inay si buuxda uga hadlaan dhibaatooyinkan ka taagan magaalada Beledweyne.
Magaalada Beledweyne ayaa hadda toddobaadkii labaad gacanta ugu jirta maamulka Dooxada Shabelle ka dib markii 31-kii bishii Disembar iyagoo kaashanaya ciidamada Ethiopia ay kala wareegeen ururka Al-Shabaab oo magaalada ka talinayey saddexdii sano ee u dambeysay.
Dhacdooyinkan amaan darrida iyo kufsiga ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyey oo lagu eedeeyo maleeshiyaadka taabacsan Dooxda Shabeelle oo labo toddobaadka ka talinaya magaalada.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...