Tuesday 24 January 2012

Xafiiska UNPOS oo Si Rasmi ah Looga Furay Muqdisho (Daawo Sawiro)

Share
Xafiiska UNPOS oo laga furay xerada Xalane
Muqdisho (RBC) Xaflad ballaaran oo maanta ka dhacday xarunta Xalane oo sadhig u ah ciidamada AMISOM ayaa si rasmi ah xariga looga jaray xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNPOS.

Raysul wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xafiiska UNPOS, iyadoo uu goob joog ahaa ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay ugu xil saaran Soomaaliya Augustine Mahiga.

Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay xubno ka mid ah Qaramada Midoobay, wasiiro ka tirsan DKMG Soomaaliya iyo taliska ciidamada AMISOM.
Waa markii ugu horeysay mudo 17 sano ka badan oo xafiis Qaramada Midoobay leedahay laga furo caasimada Soomaaliya, waxayna markii ugu dambeysay ahayd sanadkii 1995 markii hawlgalkii UNISOM ee Soomaaliya uu fashilmay.


Dib u furida xafiiska UNPOS ayaa ku timid dadaal mudo dheer socday oo ay qaaday DKMG xilligii uu raysul wasaaraha ka ahaa Maxamed C/laahi Farmaajo oo ku eedeeyey UN-ka inay dhaqaalaha loogu talagalay Soomaaliya ku isticmaalaan magaalada Nairobi.
Masuuliyiin ka tirsan DKMG Soomaaliya oo munaasabada ka qeybgalay
Wakiilka QM Augustine Mahiga

Garoonka Aaden Cabdulle Cismaan oo la suray calanka Soomaaliya iyo kan QM
Taliyaha booliska Gen Shariif Sheekhunaa Maye (bidix) iyo wasiirka arimaha gudaha DKMG C/samad Macalin
Sawirqaade Xasan Yuusuf oo ka tirsan Shabakada Raxanreeb.com
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...