Saturday 21 January 2012

Xaglatoosiye oo xil u dudaya iyo Buuhoodle lagu soo duulay


Wararka ka  imanaya Magaalada Hargaysa waxay shir Labada Xisbi ee Udub iyo Ucid uu ka soo baxay Go’aan lagu gudoomiyey dagaal lagu qaado Magaalada Buuhoodle,iyo Meelo kale oo ka mid ah Gobalka Sool,Shirkan ka dhacay madaxtooyada Somaliland oo uu gudoominayey,Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,oo ah Madaxweynaha Maamulka SNM kana soo jeeda Beesha Habar jeclo gaar ahaan Aadan madoobe  Axmed Yusuf Yaasiin iyo Faysal Cali waraabe oo iyana ah beelaha kale ee Isaaq.Shirkan ujeedadiisu waxay tahay sedex qodob oo kala ah (A) Shirka London iyo qaabkii loo wajahi lahaa(B)shirka Taleex iyo qaabkii Burburin lahaa dhanka Diplamaasiyada (c) sidii dagaal badan loogu qaadi lahaa Buuhoodle labada Xisbi ee Faysal Cali waraabe iyo Yaasiin ayaa u soo jeediyey Axmed Siilaanyo inuu dagaal xoogan ku wajaho arimaha SSC qodob dagaal ayaa si mug leh laysugu waafaqay,waxaana lagu dhaafay in waxa kaliya guul lagu gaadhi karaa ay tahay Dagaal iyo Diplamaasiyad is garab socda.

Axmed Siilaanyo ayaa codsaday in Ciidanka Qaran oo uu horkacayo Jidhif oo isna ka soo jeeda Beesha Sacad Muuse Reer Axmed in lagu garab istaago dagaalka dhanka ah SSC ( dhulbahante)iyadoo Ciidamada Somaliland la soo dhoobay Deegaanada  Kalshaale, Bali Uus iyo Maygaagle oo buuhoodle kaga toosan jahada galbeeg ilaa waqooyi bari, xogaha laga helayo ayaa sheegay in dhinaca xadhadhankana loo diray ciidam kale,Maamul Goballeedka SSC ayey  SNM wax iska waydiiyeen waxaana lagu soo warayaa in laysla qaatay  in dhanka diplamaasoyada lagala dagaalamo oo aan hada Taleex dagaal lagu qaadin laakiin Meelo ay mid yihiim Tukaraq iyo Buuhoodle ay lagama maar maantahay in dagaal lagu qaado,waxaana goobtaas laga akhriyey talo  ay soo jeediyeen sida la sheegay Xaabsade iyo Kayse Cabdi Yuusuf oo ah in meesha kaliya ee laga curyaamin karo rajada SSC ay tahay Buuhoodle ilaa la qabto ama la gubo in uusan  joogsanayn  sheegashada Somaliweyn iyo SSC.

Qodob kale ee shirka London ayaa isna Siilaanyo ku adkaystay inuu tagayo isagoo gaynaya Qadiyada Isaaqland,waxay u soo jeediyeen in laga codsado wadanka UK casuumad Gooni ah,dhanka kale wasiiroSacad Muuse ah ayaa wada olole lacag loogu ururinayo  arimaha SSC iyo taakulada Ciidan SNM,Magaalada Buuhoodle waxaa ka dhacay banaanbax lagu taageerayo Khaatumo State,waxaana ka hadlay xaglatoosiye oo ka cudur daartay hadalkii uu siiyey BBC-sida wuxuu sheegay inuu ku khaldamay hadalkaas laakiin uu jiro jujuub uu sameeyey Cali khaliif ee shirkii Taleex,shacabkii  banaanbaxayey ayaa ku Oriyey Xaglatoosiye,Saleebaan Ciise ayaa tabanaya arimo ay ka mid tahay talo soo jeedin ah in laga diiday labo arin oo kala ahaa magaca SSC oo la qaato iyo Xil-loo magacaabo.
Hadalkii Xaglatoosiye ayaa la sheegayaa inuu ku qalqaaliyey Maxamed Saleebaan Aadan Colaad oo Garaad Sheegta,ilaa Xalay Goor dambe ay wada fadhiyeen,waxaana la hadal hayaa in Maxamed saleebaan uu dhawaan aadi doono Hargaysa si uu  lacag uga soo qaato,Magaalada Taleex ee caasimada SSC waxaa lagu dhamaystiray dhismaha wasiirada iyo ku xigeenada,dadweynaha  Soomaalida ayaa aad u hadal haya sedexda madaxweyne ee isku awood ah iyo doorasha oo aan dhicin baarlamaankii oo aan la samayn,sedexda gudoomiye ayaa labo ka mid ah lagu tiriyaa Puntlanders ama taageerasha aaminsan in SSC ay isugu biya shubato Puntland State,waxayna soo qabteen Wasaaradaha Shaqada iyo duulista,waa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) C/nuur Cilmi qaaje (Biindhe) Mr. Biindhe waxaa abti u ah Madaxweynihii Hore Soomaaliya C/laahi Yuusuf  Axmed wuxuu ka mid ahaa wasiiradii laga qabsaday Laascaanood ,waxaana lagu tiriyaa dadka aad u jecel Puntland.

Axmed Karaash ayaa isna ahaa wasiirka Duulista puntland wuxuuna gacanta ku hayaa Hubka beesha Ugaadhyahan waxaana lagu tirayaa isna inuu yahay Puntlander aan wax qabadkiisu weynayn laakiin hadal cad,aqoonsiga siyaasadeed ee Maxamed yuusuf Indhasheel ayaan cadayn laakiin wuxuu ka mid yahay dadka Cali khaliif galaydh ku dhow,si kastaba ha ahaato ee waxaa jira dadaal balaadhan oo khaatumo iyo xaglatoosiye lagu dhex galayo oo uu wado C/kariim Xasan oo hada ku sugan Addis Ababa.

Source:- Boohoodle Blog Post

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...