Saturday 21 January 2012

Fikradii Aasaaska Somaliland:Shirka Guddiga amaanka ee Jabhada Somali National Movement (S.N.M) 14 March 1991

waraaqdan oo la qoray 14.March.1991, ayaa ah siyaasadii lagu aasaasay maamulka Somaliland,waxaa gudoominayey shirkan C/raxmaan Axmed Cal (C/raxmaan Tuur)i oo ah gudoomiyihii ugu Horey  Maamulka SNM ee Somaliland la baxay.
Qoraalka Qeybtiisa Hore oo ku turjuman Afka Soomaaliga. Waa sidan
Shirka Guddiga amaanka ee Jabhada Somali National Movement (S.N.M)
Si’aan usoo bandhigno fidinta halgankii  hubaysnaa ee dheeraa,iyo khidadihii Beesha, kaasi oo aynu ku guulaysaney xoraynta gobolada waqooyiga Soomaaliya, oo aan gacanta ku dhigney guusheenii u danbeysey.waxaa lagama maarmaan ah in aynu sameysano weji cusub kaasi oo ah siyaasadeena cusub,Sidaa darraadeed si loo dejiyo qorshaha iyo nidaamka siyaasadeena cusub ee leh baaxada sidaasi u balaadhan. Shir aan caadi ahayn ayaa waxaa qabtay gudiga amaanka (SNM). Oo uu gudoominayo gudoomiyaha jabhada C/raxmaan Axmed Cali.

Shirkan waxaan kaga hadalnay marxaladihii kala gedisnaa ee uu soomaray halgankeenu, taasi oo ay saldhig u tahay in aynu qaabaysano siyaasad cusub oo aynu udejisano geyigan.
Waxaan dhamaanteen ka warqabnaa xaqiiqda,in dadka aan ahayn Isaaq ee inala degan gobolada waqooyi,kuwaas oo ka dhego xidhnaa dhiigii daadanayey ee xukunkii Siyaad Barre, halgankan waxaynu ku luminay dad badan kuwaas oo aan la ilaawi karin oo weli baaqi ku ah xasuusteena, ayna xusi doonto taariikhdu.
Si looga hortago oo loo hubiyo mustaqbalka dadka lidiga inagu ah ee aan ahayn isaaqa(Warsangeli,Dhulbahante,Gudabiirsey iyo Dir). Hada waxaynu haysanaa fursad ah baahi aynu u qabno in aynu ka dhigno waqooyiga Soomaaliya gebi ahaantiis dhul ay ka taliyaan Reer Shiikh Isxaaq oo keliya.
Sidaasi daraadeed si’aynu ugu guulaysano hadafkeena cad iyo ujeedooyinka kuwaasi oo umidho dhali doona jiilasha cusub, waxaanu dejisanay shuruudahan iyo qodoban oo ah kuwo aan la baal mari karin.
1.Gebi ahaanba in hubka laga dhigo oo laga dheereeyo qabiilada aan ahayn Isaaq ee inala dega waqooyiga Soomaaliya. Kuwaasi oo hadii kale joojinaya,caqabadna ku noqon kara ujeedada iyo doonisteeda ah in aynu guud ahaan xukuno dhulkaasi oo idil.
2.In aan burburino dhaqaalaha iyo Horumarka dhamaan dadka aan ahayn qabiilka Isaaq ee gobolka degan, si aanay awood ugu yeelan taasi oo ah awood maamul iyo mid ciidan.
3.In aan yeelano sir qabiil oo inoo gaar ah,iyo ciidan sirdoon ah oo soo ururiya xogta iyo mawqifka cadowgeenu higsanayaan, iyo dhamaan dhaqdhaqaaq iyo xarakaadka ay samaynayaan dadka aan isaaqa aheyn ee inala degan gobolada Waqooyi.
4.In aynu ugu talo galno cad quudheed aan muuqan,dadka aan aheyn Isaaqa ee xukuumadeena hoos iman doona iyo golaha wasiirada taasi oo si dhaqkhso ah loo dejiyo.
Tani oo ay ujeedadoodu tahay si hoos loogu dhigo dadkaasi, boosaaskooda dastuuriga ahna ay buuxiyaan dadkeenu.
5.In loo dhiibo xilalka ciidanka xubnaha Firfircoon ee SNM, si maamulku uusan gacanteena udhaafin, sidoo kale in ciidamo dalriix ah la dulgeeyo dhamaan dhulka ay degaan beelaha aan ahayn Reer Shiikh Isxaaq, si waxwalba oo aynu doonayno ay u hirgalaan loolana socdo xarakaadkooda.
6.In si joogto ah loo argagax geliyo laguna abuuro cabsi, qabiilada aan ahayn Isaaqa, si dhulkooda aan udegno oo u qabsano, aynuna u balaadhino dhulka Reer Shiikh Isxaaq.
7.In aynu u ololeyno abuuritaanka borobogaandooyin iyo hawlo been abuur, kuwaasi oo ujeedadoo ay tahay in aynu ka hortagno in ay waxfahmaan oo yeeshaan isbaahaysi qabiilada aan ahayn Isaaqa kuwaasi oo ah, Warsangeli,Dhulbahante, oo ah dhinac iyo dhinaca kale,Gudabiirsey iyo Ciise.
8.In aan ka wacyi gelino oo ka cidhibtirno fikradaha dadweynaha in SNM ay hoostimaado nabada iyo amniga waqooyiga Soomaaliya, Micnaha (In aynaan ka guurin SNM e u guurno qaab dawladeed dadkana ka dhaadhicino in aynu nahay Dawlad inagoo ku dhaqmayno nidaam hoosaadkeena SNM).
Gebagebadii, si aynu ugu guulaysano hirgelinta iyo dhameystirka ujeedooyinkeena aynu soo xusnay ee gundhiga u ah halgankeena. Waxaa lagama maar maan ah in aynu ka dhaadhicino oo ku hirgelino siyaasad qabow oo ay weheliso khayaano iyo dhagrid ku wajahan dadka aan aheyn Isaaqa ee inala degan waqooyiga.inagoo ku dibaaqeyna maahmaahda Soomaaliyeed ee ah : “Dhib iyo Rafaad geli dabadeedna Dil”.
Warqadii oo Ingiriisi ah hoos ka akhriso
 fadlan fur linkigan

 Asaaskii Maamulka Somaliland 1991
 

 Source: Boohodle blog post

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...