Monday 3 June 2013

Kusimaha madaxweynaha oo kulan gaara la yeeshay ergayga cusub ee Q/M u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay(Sawirro)



Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho(RBC Radio) Kusimaha madaxweynaha dalka ahna gudoomiyaha golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay ergayga cusub ee xafiiska UNSOM ee  Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ee maanta soo gaaray caasimadda Muqdisho.
Labada masuul ayaa uga wada hadlay kulankooda sidii uu xafiiska cusub ee Qaramada Midoobe uu taageero buuxda ugu siin lahaa dowladda Soomaaliya sidii ay u meelmarin lahayd isla hawlaha adag ee horyaalla xiligan,masuuliyiinta ayaa kulanka kadib warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii ay diirada kusaareen wasahadalkooda.
Kusimaha madaxweynaha dalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaaro ahna gudoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay iney Nicholas isla soo qaadeen sidii xafiiska uu madaxda ka yahay ee UNSOM ee kaalmada Soomaaliya uu dowladda federaalka ugu caawin lahaa sidii ay u guuleysan lahaayeen hawlaha soo celinta amniga iyo dib u dhiska dalka ee ay dowladdu ku hawlan tahay.
Nicholas Kay oo ah ergayga cusub ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu diyaar u yahay gacan siinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey hawlaha uu xafiiskiisa UNSOM ka qaban doono dalka ay noqdaan kuwo guuleysta oo ay ka faa’iideystaan ummadda Soomaaliyeed.




RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...