Maamulka
gobolka Bakool ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaano ka
tirsan gobolkaas gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cali Mayow ayaa
sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay dagaal ku qaadeen deegaano
qiyaastii 30KM u jira magaalada Xudur ee xarunta gobolkaas oo ay ku
sugnaayeen ciidanka alshabaab.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya oo fariisin
ku lahaa degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool iney duullaan ku qaadeen
deegaano u dhexeeya Waajid iyo Xudur halkaas oo sida uu sheegay ay
fariisimo Istaraatiiji ah ku lahaayeen alshabaab,wuxuuna sheegay iney la
wareegeen deegaanadaas oo uu gudoomiyuhu sheegay iney yihiin deegaano
Ceel Biyoodyo leh,isagoona intaa ku daray iney alshabaab u kala
cayriyeen dhanka dhulka Hawdka ah.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliyeed ee ku
sugan gobolka Bakool iney u diyaar garoobeen xoraynta deegaanada ku jira
gacanta alshabaab oo ay ugu horeyso degmada Xudur ee xarunta gobolka
Bakool.
Dhanka
kale Gudoomiyaha gobolka Bakool ayaa soo hadal qaaday arimaha la
xiriira in SH Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo ka tirsan saraakiisha
sar sare ee alshabaab uu ku sugan yahay gobolka Bakool iyo waxa ka jira
wararka sheegaya iney jiraan xiriiro iyo wadahadalo u socda maamulka
gobolada Baay iyo Bakool iyo SH Mukhtaar Roobow.
Gudoomiyaha ayaa si cad u sheegay inuu jiro is afgarad sida uu
sheegay u dhexeeya SH Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur iyo maamulka
gobolka Bakool,wuxuuna tibaaxay iney isku mabda’ yihiin”Cadowgaaga
Cadowgiisu waa saaxiibkaa,Waxaan ka mideysannnahay oo aan la wada
dagaalamaynaa Axmed Godane”ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Bakool.
Gudoomiye Maxamed Cali Mayow ayaa ka gaabsaday inuu si faah faahsan
uga hadlo is afgaradka uu sheegay inuu ka dhexeeyo maamulka gobolkaas
iyo Sh Mukhtaar Roobow oo ka tirsan hogaamiye sare ee dhaqdhaqaaqa
alshabaab ee dagaalada ka wada Soomaaliya.
SH Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha sare ee
alshabaab ayaa dhawaanahan ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolada Baay
iyo Bakool kadib markii uu kasoo baxsaday magaalada Baraawe oo rag uu ka
mid ahaa oo kasoo horjeeday Fikirka Axmed Godane ay ku
sugnaayeen,waxaana weerar kusoo qaaday rag daacad u ah hogaamiyaha ugu
sareeya alshabaab Axmed Godane taasoo sababtay in Nin walba uu u baxsado
halka uu ku badbaadi karo.
Dagaal ka dhacay magaalada Baraawe ayaa waxaa lagu dilay Labo sarkaal
oo ka tirsanaa hogaanka sare ee alshabaab,intaas kadib ayaa raggii ka
badbaaday weerarkaas waxa ay u kala carareen deegaanada ay kasoo
jeedeen,Roobow iyo ciidamo uu wato ayaa hada ku sugan gobolada Baay iyo
Bakool,SH Xasan Daahir Aweysne oo isne kasoo baxsaday ugaarsiga uu
Axmed Godane ku hayo ragga kale ee ka tirsan ururkaas ayaa ku jiro
gacanta dowladda Soomaaliya,halka qaar kalane ay u kala carareen
gobolada kala duwan ee dalka,waxaana soo baxaya wararka sheegaya in rag
uu ka mid yahay Abu Mansuur iney wadahalo kula jiraan dowladda
Soomaaliya walow aan si rasmi ah wararkaasi loo shaacin.
Wixii kusoo kordha wararka SH Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur iyo
dhaqdhaqaaqyada uu ka wado gobolada Baay iyo Bakool iyo warkan kasoo
baxay gudoomiyaha gobolka Baay kala soco warbaahinta Raxanreeb.com.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
No comments:
Post a Comment