Sunday 27 October 2013

Madaxweyne Faroole”Ammaanka musharaxinta anaga ayaa sugeyna mana aqabali doono in musharaxu ciidan la yimaado”


Madaxweyne Faroole
Madaxweyne Faroole
Garoowe[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda Soomaaliyed ee Puntland Dr Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa ka hadlay maantay shir jaraa’id oo u ku qabtay xarunta madaxtooyada Garoowe sida laga yaali doono amniga musharixiinta u tar tamaysa xilka madaxweynenimo ee Puntland,waxana uu madaxweynuhu sheegay in howsha amniga musharixintu ay u xilsarantahay dowladda aynan aqabi doonina in mashuraxintu ay isticmaalan ciidamo.
Sidoo kale madaxweynuhu waxaa uu hadalkiisa ku soo hadal qaday in ay ballan qaadayan inay doorashadu noqoto mid si xor ah ku dhacda,waxana uu inta ku daray inay soo dhaweenayan musharax kasta oo isagu isu soo taaga hoggaanka Puntland.
…”"”Waxaa u sheegena ciidi u baahata amni dheerad ah in ano anga sugeeno amnigiisa balse ma aqabi doono in ciidamo bedeled iyo tikniko lala yimaado,taasna ma ahaa wax sharci ah,waxaan kalo ballan qaadeyna in doorashadu sidii an horeyba u sheeg inay noqon doonto mid u qabsonta si xor ah oo xalaal ah…”"“ayuu yiri madaxweynuhu.
Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole waxaa kalo uu soo hadal qaday in la doonayo in laga wadda shaqeyo shacab iyo xukuumadba amniga mudooyinka ay socdan doorashooyinka,waxana uu si adag u sheegay Faroole inay xukuumadu dhinaceda ku dadaalayso sidii ay wax walba ugu dhici lahaayeen si cadd oo ammaanka ku saleysan.
Si kastaba madaxweyne Faroole waxaa uu marar badan uu ku cel celiyey inay iyagu dhabarka saaranayan sugida amniga,mana jirto illaa xiligaan musharax ay waheliyaan ciidamo ka socda dowladda balse inta badan waxaa amnigooda masharixinta xiligan suga ciidamo u gaar ah.
_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...