Sunday 27 October 2013

Wariye Tima-cadde oo saakay lagu aasay Muqdisho iyo maamulka TV-ga Universal oo dowlada ka codsaday in lasoo qabto gacan ku dhiiglihii


timaMuqdisho(RBC Radio) Magaaladda Muqgdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa saakay Barqadii lagu aasay Marxuun wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo xalay saqdii dhexe ku geeryooday cisbitaalka Madiina ee magaaladda Muqdisho oo hore dhaawiciisa loo geeyey.
Alle ha u naxariistee wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo ka tirsanaan xafiiska TV-ga Universal uu ku leehay magaaladda Muqdisho ayaa saakay lagu aasay qabuuraha cisbitaalka Madiina.
Marxuunka ayaa waxaa aaskiisa ka qayb galay Eheladiisa,madaxda TV-ga Universal,wariyayaasha ka howlgala warbaahinta magaaladda Muqdisho iyo dadweyne badanmarkuu uu soo gabagaboobay aaskii Marxuun Tima-cadde ayaa waxaa warbaahinta la hadlay C/llahe Xaaji Kulmiye oo ka tirsan madaxda TV-ga Universal wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka doonayaan inay gacanta kusoo dhigto gacan ku dhiiglihii dilay Marxuun Tima-cadde.
C/llahe Xaaji Kulmiye ayaa sheegay inaysan dowlada ka aqbali doonin inay dhahdo waan soo waan baaraynaa balse ay dowladda uga baahanyihiin inay gacanta kusoo dhigto oo ay maxkamad soo saarto wuxuuna shaaca ka qaaday in hadii ay dowladu keeni waydo dilaagii ay iyada u qabsan doonaan dilka wariye Tima-cadde.
Alle ha u naxariistee wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde ayaa dhowaan kooxo hubaysan waxay ku fureen rasaas xooggan waxaana loola cararay dhaawiciisa cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho oo uu xalay ku geeryooday.
Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa geerida ku timid marxuun wariye Maxamed Maxamuud Tima-cadde ku tilmaamay inay tahay wax laga xumaado waxayna ilaahay uga baryeen inuu Janadiisa ka waraafiyo.




RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...