Saturday 19 October 2013

Xarakada Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne


Sabti, Oktoobar 19, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ayaa sheegay mas’uuliyada weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 15-qof.
Maqaayadda weerarka lala beegsaday ayaa waxaa ku sugnaa dad fara badan oo ay ku jireen ciidammo Itoobiyaan iyo Soomaali ah, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha gaaray inta uu le’eg yahay.
“Ujeedadeenna ugu weyn waxay ahayd inaan beegsanno ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ee ku sugan dalkeenna. Goobtaas ayayna ku sugnaayeen,” ayuu yiri afhayeenka milateriga ee Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay warbaahinta.
Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in dhimashada ka dhalatay weerarka ay kor u sii dhaafayso 25-qof oo ay ku jiraan ciidamada Itoobiya iyo kuwo dalka Jabuuti ka socda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee Midowga Afrika.
Ma jirto cid xaqiijisay in dadka ku dhintay weerarkaas ay ku jiraan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ee ku sugan dalka, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca magaalada Baladweyne tan iyo markii ay halkaas tageen ciidamada Jabuuti.
Weerarkan ayaa waxaa si adag u cambaareeyay madaxda dowladda Somalia sida madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyagoo ku tilmaamay weerar argagaxiso oo arxan-darro ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onlinemaxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...