Wednesday 16 October 2013

Xoghayaha baarlamaanka oo shaaciyay in aysan Waxba ka jirin inay Ra’iisul Wasaaraha ka dalbadeen inuu kaslooni weydiisto



Arbaco, Oktoobar 16, 2013 (HOL) — Xoghayaha guud ee golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin warar sheegaya inay ku amareen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu horyimaado baarlamankaa si uu kalsoonida u weydiisto, warkaas oo ay warbaahinta qaarkeed baahisay.
Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux) oo ah xogyaha baarlamankaa ayaa sheegay in qoraal kusoo baxay warbaahinta qaarkeed oo sheegaya in ra’iisul wasaare Saacid uu weydiisto kalsoonida aysan ahayn mid uu wax ka jiro.
“Warbaahinta Soomaalida qaaarkeed waxaa lagu baahiyay warar aanay wax ka jirin oo been abuur ah. Baarlamanaku xaq buu u leeyahay inuu ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadda la xisaabtamo, balse qoraalka la baahiyay ee ah in xukuumadda loo yeeray waa mid been ah,” ayuu yiri C/kariin Buux.
Sidoo kale, Xoghayaha ayaa tilmaamay in warbaahinta ay sheegeen in laga keenay ra’iisul wasaaraha mooshin loogu yeerayo si uu baarlamaanka u weydiisto kalsoonida, laakiinse waxaan si cad u sheegayaa buu yiri inuusan warkaasi ahayn mid jira oo uu been abuur yahay.
“Waxaan doonayaa inaan shacbiga u iftiimiyo arrinta u yeerista Ra’iisul wasaaraha ee 26-ka bishan, sababta loogu yeerayna waa inuu khudbad ka jeediyo baarlamaanka, taaspo uu kaga waribxinayo howlihii xukuumadda u qabsoomay muddadii sannadka ahayd ee xukuumaddu shaqeynaysay,” ayuu yiri C/kariin Buux.
Isgoo sii hadlaya ayuu xohayuhu sheegay in qodobbada laga doonayo ra’iisul wasaare inuu ka warbixiyo ay ka mid yihiin miisaaniyadii hore iyo sida ay u hir-gashay, caqabadaha ka hor yimid iyo sidoo kale inuu baarlamaanka hor-keeno miisaaniyadda sanadka soo socda ee 2014-ka, iyagoo kadib wasiirka maalliyadda uu imaan doono oo arrinta miisaaniyadda sii amba-qaadi doono taasi ayaana ah xaqiiqda jirta oo ma jiro wax mooshin ah oo la keenay.
Xoghayaha guud ee golaha shacabka, C/kariin Xaaji Buux ayaa ka hadlay nidaamka mooshin keenista wuxuuna xusay in marka ay xildhibaannada mooshin soo diyaariyaan ay isaga oo xoghayaha ay ay soo marsiyaan uuna ku daro lifaaq sidaasna guddoonka baarlamaanka ugu gudbiyo, isagoo xusay inaanay jirin wax mooshin ah oo xukuumadda laga keenay.
Ugu dambeyn wuxuu fariin u diray tafaftirayaasha warbaahinta qaarkood oo uu kula taliyay inay ka fekeraan warka ay daabacayaan oo aysan ku deg-degin baahinta war aysan hubin loona baahan yahay in tan hadda dhacday ay ku qaataan tusaale, isagoo wararka noocaas oo kale ah ku tilmaamay in ay yihiin kuwo looga golleeyahay in hormarka dowladnimada lagu dhaawaco.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onlinemaxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...