Thursday 31 October 2013

MADAXWEYNE XASAN: “Kismaayo waxaan u imid Nabadeynta Jubbooyinka iyo Dhameystirka Heshiiskii la Gaaray”(SAWIRRO)



Khamiis, Oktoobar 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa ku sugan magaalada Kismaayo ayaa ku sheegay hadal uu jeediyay in socdaalka uu ku tagay Kismaayo ay qayb ka yihiin nabadeynta Jubbooyinka iyo sidi loo dhameystiri lahaa heshiiskii lagu gaaray Addis Ababa.
Madaxweynaha iyo hoggaamiyaha maamulka Jubba ayaa waxay garoonka Kismaayo salaan-sharaf kaga qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubba, iyadoo madaxweynaha iyo wafdigiisa la geeyay xarunta madaxtooyada Kismaayo.
“Arrimaha aan u nimid waxaa ka mid ah nabadeynta Jubbooyinka iyo sidii loo dhameystiri lahaa heshiisyadii la gaaray. Qodobbadii lagu heshiiyay intoodii badan waa la isku af-gartay kuwa harsanna waa la dhameystiri doonnaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa shacabka Jubbooyinka ka dalbaday inay ka qaybqaataan hannaanka nabadeynta ee dalka ka socda, isla markaana ay iska illoobay waxyaabihii horay u dhacay ee laga soo gudbay.
Inkastoo aan la ogeyn inta casho ee ay qaadanayso socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haddana waxay noqonaysaa booqashadii ugu horreysay oo uu ku tago Kismaayo tan iyo markii xilkan loo doortay sannadkii hore.
Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Madoobe oo isaguna hadal jeediyay ayaa inay ku faraxsn yihiin socdaalka ay Kismaayo ku tageen madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa, uuna aad u rajeynayo in socdaalkan uusan noqon kii uug dambeeyay, balse marar kale uu imaan doono.
“Madaxweyne shacabka Jubbooyinka way kusoo dhaweynayaan wayna ku sugayeen, waxaana rajeynayaa in marar kale aad gobolka imaan doontid,” ayuu si kooban u yiri Sheekh Axmed Madoobe oo muujiyay sida uu ugu faraxsanaa imaanshaha madaxweynaha Soomaaliya.
Dhanka kale, waxaa kulan albaabbadu u xiran yihiin ayaa wuxuu caawa uga socdaan xarunta madaxtooyada Kismaayo, waxaana kulan goob-joog ka ah madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh, hoggaamiyaha Jubba, Sheekh Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamulka Jubba.



Xasan Nuur, Hiiraan Onlinehnuur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...