Wafdi Ka Socda Baarlamaanka
Uganda oo Kulamo la Qaatay Guddiyo Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya
Wafdi ka socda baarlamaanka dalka
Uganda oo uu hogaaminayo Xildhibaan Tim Walanga oo ah guddoomiyaha gudiga
miisaaniyada ee baarlamaanka dalka Uganda ayaa maanta soo gaaray magaalada
muqdisho.
Imnaatinkan wafdigan ka socda
baarlamaanka dalka Uganda ayaa waxa uu daba socdaa heshiiskii mataaneeynta oo
ay horey u kala saxiixdeen labada baarlamaan
ee Soomaaliya iyo Uganda.
Xoghayaha joogtada ah ee
baarlamanka Soomaaliya C/kariim Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in wafdigan ay
kulamo aqoon isweeydaarsi ah oo ku aadan xirfada miisaaniyad dajinta ay la
leeyihiin guddiyada baarlamaanka soomaaliya u qaabilsan miisaaniyadda iyo
gudiga ganacsiga.
Wafdigan ka socda baarlamaanka
dalka Uganda ayaa waxaa qeyb ka ah khabiir dhanka xeer hoosaadyada ah,inta
badana wadamada afrikana u sameeyay xeer hoosaadyada baarlamaanada,waxana uu la
kulmay guddiga baarlamaanka soomaaliya u qaabilsan xeer hoosaadka.
Dhinaca kale Gudiyada joogtada ah
ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan looga hadlayay
dardargalinta howlaha Barlamanka,waxaana Kulankaasi shir gudoominayay
guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.
Khilaaf xoogan oo ka dhashay
Shaqsiga laga dhigi lahaa Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Warar hoose oo soo
baxaayo.
Illo wareedyo ku sugan Villa
Somalia,ayaa shabakadda u xaqiijiyay inay jiraan Khilaafyo xoogan oo u dhexeeya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Khilaafka ayaa waxa uu ka dhashay ka gadaal
markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda qoray warqad ku saabsan ku dhawaaqida
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Magaca shaqsiga laga dhigi lahaa hayeshe uu
Wasaarika Arrimaha Gudaha warqadaasi dib u dhigay kadib markii uu khilaaf ka
dhashay Beesha loo magacaabi lahaa Guddoomiyaha.
Xilka iminka leysu heysto ee Guddoomiyaha
Gobalka Banaadir ahna duqa magaalladda Muqdisho, ayaa waxaa doonaayo in loo
dhiibo Beesha Abgaal iyo Murusade oo dhinac ah, hayeeshee Madaxweyne Xassan uu
doonaayo inuu xilkaasi u hibeeyo Beesha Abgaal.
Warqadii lagu magacaabi lahaa Guddoomiyaha
ayaa waxaa iminka loo dhigay dib, iyadoona Madaxweynaha loo gudbiyay Qoraalo ka
hor imaanayo u magacaabista Beesha Abgaal xilkaasi.
Khilaafka ayaa waxa uu ahaa mid soo taagan ku
dhawaad Lix bil, mana jirto muuqaalo muujinaayo in la xaliyay Khilaafkaasi
wallow Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Tarsan uu ka caga jiidaayo wareejinta
Xilkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, waxan la garan Karin
sida ay Dowladu u xalin laheyd qeybinta xilkaasi waxaana jiro warar hoose oo
tilmaamaayo in Madaxweyne Xassan uu xilkaasi la doonaayo Ganacsade kasoo jeeda
Beesha Abgaal inkastoo ay hortaagan tahay Caqabad.
QM oo abaalmarin siineysa
wariyaasha Soomaalida
Nairobi - Qaramada Midoobay ayaa maanta oo
Jimco ah, waxa ay daahfureysa qorshe ku aadan siddii abaalmarin loo siin lahaa
wariyaasha ku hadla af Soomaaliga ee ka howgala dalka.
Abaalmarintan ayaa looga gun lee
yahay siddii loo niyad dhisi lahaa wariyaasha ka howgala dalka, waxaana la eegi
doona sida ay wax u qoraan ama ay uga soo warramaan warbixinada ay ka
diyaariyaan dalka.
Philip Lazarani waa wakiilka
Qaramada Midoobay ee arrimaha xuquuqda aadanaha Soomaaliya, wuxuu saxaafadda u
sheegay in wariyaasha Soomaalida ay qabteen howllo aad u fiican oo lagu wacyi
galinaayo shacabka Soomaaliyeed.
Bandhigga daahfurka abaalmarintan
ayaa maanta si isku mid ah looga dhawaaqi doonaa magaalooyinka Muqdisho,
Hargeysa iyo Garoowe.
Soomaaliya oo 22-kii sanno ee la
soo dhaafay waxaa ka socday dagaallo sokeey, waxaana ka soo warramayay
wariyaasha Soomaalida, kuwaasoo dhibaatooyin kala kulmay shaqadooda.
Wariyaasha ku guuleesta
abaalmarintan waxaa la siin doonaa qalab iyo abaalmarino qaali ah sida ay lee
dahay QM, waxaana lagu dhawaaqi doonaa maalinta xuquuqda aadanaha ee bisha
December ee sannadkan.
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay
waddamada lagu dhibaateeyo suxufiyiinta caalamka, waxaana sannad kasta lagu
dilaay wariyaal iyadoo ay ugu dambeesay markii toddobaadkan lagu dhaawacay
caasimada Muqdisho wariye u shaqeenaayay TV-ga Universal.
Maamulka iyo Shaqaalaha
Shabelle oo go’aansaday in intii Banaanka lagu dili lahaa gudaha dhismahooda ay
dowladdu ku disho
Iyadoo Wasiirka Arimaha Gudaha uu
si sharci darro ah uu ku doonayo in looga saaro dhismaha ay degan tahay Shabakadda
Warbaahinta Shabelle ee ay heshiiska kula gashay Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo
Dhulka sida ku cad Warqada heshiiska ayaa arintaa awgeed waxa ay Shabelle
Warqado ku saabsan heshiiskaaasi ay
gaarsiiyeen Taliska Ciidanka Booliska
Soomaaliyeed, Wasaaradda Warfaafinta boostaha iyo gaadiidka, Cirka iyo Dhulka
iyagoo intuba naga aqbalay Warqadahaasi.
Hasa yeeshee sidaa oo kale Waxa
ay Shabelle Dacwad geysatay Maxkamadda Sare ee Dalka Dacwadaasoo ay ku
lifaaqnayd Warqadii heshiiska ee Shabelle ay ku degan tahay Dhismaha Wasaaradda
Gaadiidka. hasa yeeshee markii loo geeyey waxa ay sheegeen in Dacwadani laga
furi karo Maxkamadda Gobolka Banaadir, markii Maxkamadda Gobolka Banaadir la
geeyey dacwadaa oo ay ku lifaaqnayd Warqadii heshiiska ee Shabelle ay ku degan
tahay Dhismaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Warqadii uu Wasiirku soo marsiiyey
Taliska Ciidanka Booliska ee lagu amray in shabelle ka guurto Dhismahaasi Waxa ay Sheegeen Maxkamada Gobalku in dacwadan laga furi karo Maxkamadda Sare.
Haddaba markii ay inta dhacday oo ay u cadaatay Shabelle in Dacwad aan loo
furaynin ayey dhamaan Shaqaalaha iyo Maamulka Shabelle shir
ay yeesheen oo ay kaga hadlayeen arintaasi waxa ay go’aansadeen in intii
Banaanka lagu dili lahaa Shaqaalaha iyo Maamulkaba in ay Dawladu ay ku disho
Dhismaha ay Shabelle iminka Sida Sharciga ah ku degan tahay, waxaana arintaasi
haddii ay dhacdana Mas’uuliyadeeda ay qaadanayso DF Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Dibada Oo
Howlgelisay Waaxda Quurba Joogta Soomaaliyeed “War-Saxaafadeed”
Ujeeddo: War saxaafadeed – For
immediate release
Wasaaradda Arrimaha dibadda oo
howlgelisay Waaxda Qurba joogta Soomaaliyeed .
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo
Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah
ugu saldhigtay Waax cusub oo lagu magacaabo Waaxda Qurba joogta Soomaaliyeed
(Department of Diaspora Affairs) .
Waaxdan oo xidhiidhin doonta jaaliyadaha
dibadda ama qurba joogta iyo dadka ku nool gudaha wadanka , ayaa waxa ay yeelan
doontaa qeybo kala duwan oo u howlgali doona isku xidhka qurba joogta (
Diaspora) , hey’adaha dowladda iyo ganacsatada , si loo sameeyo iskaashi iyo
wadashaqeyn , looguna fududeeyo maalgeshiga .
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo
Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Follow us on Twitter: @mofasomalia
Raila Odinga Oo Argagax Ka
Muujiyey Muuqaalo Muujiyey Ciidamada Kenya Oo Xadaya Suuqa West Gate
Raysal-wasaarihii hore ee dalka
Kenya Raila Odinga ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay muuqaalo muujnaya ciidamada
Kenya oo boobaya alaabtii taalay suuqa West Gate ee Magaalada Nairobi, markii
21-kii September ee sanadkan ay kooxda Al-shabaab weerarka ku qaaday.
Mr Raila Odinga, oo safar ku
jooga dalka Maraykanka, ayaa khudbad uu ka jeediyay Jaamacad ku taala Magaalada
Boston ku soo qaaday Muuqaal Video ah oo muujiyey ciidamo Kenyan ah oo xadaya
alaabooyinkii yaalay suuqa la weeraray ee West Gate, oo ay lahaayeen dad shacab
ah, waxaanu Mr Raila Odinga sheegay inuu arintaasi aad uga naxay isla-markaana
uga xumaaday “Dadka la laayay waxa dadweynaha Kenya kaga naxdin badnayd markay
arkeen dhaqan xumada ciidankooda oo kamaraduhu qabteen iyagoo xadaya alaabtii
dhismaha taallay” ayuu yidhi Raila Odinga.
Raysal-wasaarihii hore ee Kenya,
oo sii hadlaya ayaa yidhi “Tani waa wax qof walba ka yaabisay, sannado badan
ayaan dhisaynay muuqaalka ciidankeena oo ahaa kuwo haysta tababar fiican lehna
anshax wanaagsan, balse tani waxay noqotay la yaabkii ugu darnaa, waa qaylo
dhaan hor leh”
Wasiirka Difaaca Talyaaniga oo
Muqdisho Soo Gaaray
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya
ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay wafdi Saraakiil ah oo ka socday Dowladda
Talyaaniga, waxaana hoggaaminayay Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Talyaaniga
Admiral Luigi Binelli Mantelli.
Admiral Mantelli ayaa waxaa
socdaalkiisa ku wehlinayay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Talyaaniga,
iyadoo Kulanka ay la qaateen Masuuliyiinta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo
Taliska Ciidamada Xoogga dalka ay goobjoog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya u
fadhiya Talyaaniga Gen.Muuse Xasan iyo Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya
Ambassador Andrea Messella.
Kulankaan oo ahaa mid saacado
badan qaatay islamarkaana ay albaabada ulaabnaayeen ayaa lagu lafa guray
mudadii uu socday doorka uu Talyaaniga ka qaadan karo tayeenta iyo qalabeynta
Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milateriga.
Wasiirka Gaashaandhigga
Soomaaliya C/xakiim Faqi oo Khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ka hadlay
horummaradii ugu dambeeyay oo ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinac amniga
iyo caqabadihii ka horyimid waxaana sidoo kale uu wasiirku codsaday in lasii
dardar geliyo dedaallada ay Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga isaga
kaashanayaan soo celin Amniga iyo Xasilinta Soomaaliya.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in
Alshabab ay Qatar ku yihiin amniga guud ee Gobolka loona baahnayhay in si
wadajir ah looga qeybqaato dabargoynta Kooxdaasi xagjirka ah eek u xiran
Alqaacidda.
Sidoo kale S.Guuto Daahir Aden
Cilmi Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isna kulanka ka hadlay
ayaa tilmaamay in Ciidamada milateriga u baahanyihiin in laga caawiyo
dhinacyada qalabeynta iyo Tababbarrada si ay usii dardargeliyaan Dedaalladdooda
ku wajahan la dagaalanka argagixisada.
Taliyayaha ayaa farta ku fiiqay
in Soomaaliya ay haatan leedaha labo
cadow oo kala ah Alshabab iyo Burcadbadeedda kuwaasoo Qatar ku ah jiritaanka iyo
xasilloonida Dalka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Taliyaha Guud ee Ciidamada
Difaaca Talyaaniga Admiral Luigi Binelli
Mantelli oo isna ka hadlay kulanka ayaa
tibaaxay in Dowladda talyaaniga ay ka go’antahay kordhinta taakuleynta iyo
tababaridda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya gaar ahaan Milateriga iyo
Booliska waxa uuna xusay in haatan uu indhihiisa ku arkay isbedel muuqdo oo ay
dowlada Soomaaliya ka gaartay xagga nabadgelyada wadanka oo ay Ciidamadu magaalooyin farabadan ka saareen
maleeshiyaadka Alshabab.
Kulankaan ayaa qeyb ka ah
hirgelinta Heshiiskii ay 17-kii September Magaalada Rome ku wada saxiixdeen
Wasiirrada Gaashaandhigga Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga kaasoo qodabbadii
lagu gaaray ay kamid ahaayeen Qalabeynta iyo kordhinta tababbarrada Ciidamada
Xoogga dalka Soomaaliya si loo soo afjaro jiritaanka Alshabab iyo Xulafadooda
ajaaniibta ah ee ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya.
Maamulka Bacadlaha Xamaweyne
oo Ganacsato kala Wareegay Dukaamado ay Horey uga Kireysteen Bacadlahasi
Ganacsatadani oo maanta lagala
wareegay goobihii ganacsi oo ay ku lahayeen bacadlaha Xamarweyne ayaa lagu
sheegey in ay ka soo bixi waayeen shuruudo horey ay ula galeen maamulka
bacadlaha Xamarweyne.
Cumar Cismaan Waasuge oo kamid ah
mas’uuliyiinta maamulka bacadlaha ayaa sharaxay go’aanka ay ka qaateen dadkii
horey u kireystay xarumahaasi ganacsi,iyagoo ku booriyay ganacsatada kale in ay
ka faa’ideysataan fursadaha ganacsi ee bacadlaha.
Cumar Cismaan Waasuge ayaa
sheegay in dukaamada lagala wareegay dadkii horey u kireystay la siin doono
ganacsato kale oo diyaar u ah in ay ku ganacsadaam,isagoo sheegay in bisha soo
socotana ay kala wareegi doonaan kuwo kale hadii aysan furan oo aysan ku
ganacsan dukaamada ay horey u kireysteen.
Cumar Cismaan Waasuge ayaa sidoo
kale xusay in dhowr jeer ay digniino u jeediyeen dadka ay u kireysnaayeen
dukaamadan laakiin ay iska dhega tireen,isago intaasi ku daray in ay jireen dad
u dhega nuglaaday baaqooda oo furtay dukaamadii u kireysnaa.
Dhinaca kale dhaq dhaqaaq
ganacsiga ayaa laga dareemaya suuqa bacadlaha tan iyo markii dib u habeyn lagu
sameyeey taasi oo qeyb ka ah dib u soo noolaynta xaruumihii muhiimka u ahaa
adeegyada bulshada.
Maamulka gobolka banaadir ayaa
dib u dayactir ku sameeyay suuqa bacadlaha Xamarweyne si ay uga faa’ideystaan
ganaxsatada soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta oo Ku
Dhawaaqay In Adeeggii Boostada Soomaaliya uu Bilowday Kowdii Bishan October
Wasiirka wasaarada warfaafinta,
Boostada,Isgaaarsiinta iyo Gaadiidka xukuumada federaalka ah ee Somaaliya C/laahi
Ciilmooge Xirsi oo ay wehliyeen qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha
warfaafinta iyo gaadiidka ee wasaaradda oo
maanta kormeeray xarunta boostada qaranka ee degmada boondheer ayaa
sheegay in uu dib usoo noqday xirirkii Boost ee dalalka caalamka kala dhexeeyay
boosta Soomaaliya kadib warqad uu soo
saaray xoghayaha Boostada aduunka oo uu
ku caddeeynayo in Soomaaliya ay ka mid tahay adeegga Boost ee caalamka.
“Wuxuu xoghayaha aduunku u
caddeynayaa dhamaan xubnaha caalamka ee ka mid ah Boostada aduunka oo tiradoodu
tahay 193 in Soomaaliya xiriirkeedii Boosto uu soo noqday uuna dhaqangal yahay,
dowlada Imaaraadka gaar ahaan magaalada Dubai ay diyaar u tahay maamulkii,
qabashadii iyo gudbintii Soomaaliya loo gudbinayay Boostada ku sucota, adeeggan wuxuu dhaqangal yahay October
Kowdeedii ,bilawgiisuna wuxuu noqonayaa Kowda November” Ayuu yiri wasiirka
warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi.
Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka ayaa xusay in inta
badan agabkii ay ku howlgelilaheyd boostada uu u dhameystiranyahay xarunta ,
waxa uuna farta ku fiiqay in dhawaan la dhameystiri doono agabka kale ee ka
dhiman..
Geesta kalane mudane C/laahi
Ciilmooge Xirsi ayaa cambaareeyay falki dhaawaca ahaa ee loo geystay wariye
Maxamed Maxamuud Timacadde, isagoo
tilmaamy in dowladu ay ka xuntahay dhibka soo garay
Talaabada dib loogu soo nooleeyay
adeeggii boostada dalka ayaa qeyb ka ah dadaalka ay dowlada federaalka ah ee
Soomaliya dib ugu soo celineyso adeegyadi bulshada muhiimka u ahaa ee ku bur
buray dagaalladi sokeeye ee dalkeena soo maray.
Gabar Somali ah oo inta la
kufsaday hadana la gubay oo raggii ka danbeeyey Gacanta lagu soo dhigay
Booliska Dalka Kenya ayaa
baaritaanadii ay ku haayeen Gabadhii Soomaaliyeed oo 13 jir ah taasi oo la
kufsaday isla markaana la gubay markii lafaraxumeeyey ayaa baaritaanadooda ay
kusoo saareen hordhac farxad leh taasi oo ku sheegeen in ay u qabteen raga
arimahaasi ka danbeeyey.
Gabadhani ayaa lagu dilay
magaalada Balanbale taasi oo dad badan ay aad ugu xumaadeen.
Sheekadani ayaa noqotay tii ugu
xumeyd ee soo marta Soomalida qurbaha soo aaday iyadoo dadka degaanka ay aad
ugu farxeen warkaasi kasoo yeeray Booliska waxana ay qaarkood u arkaan in
arintani ay tahay mid kusoo noqotay magaalada Balanbale iyadoo gabadhaasi lagu
soo aasay magaalada Gaarisa.
Kufsiga iyo faraxumeynta ayaa
caadi ka ah qaarada Africa iyadoo habalaha Soo koraayo qaasatan kuwa aanan weli
qaangaarin ay ugu daran yihiin dhibaatada joogtada ay u geysanayaan Ragga ma
naxayaasha ah ee doonaya in ay sharafta ka qaadaan Dumarka kuwaasi oo qaarkood
uga dara dil iyo Gowrac.
Kulan albaabada u xirnaa oo habeen hore Madaxtooyada ku yeeshan Xasan
Sheekh iyo Saacid
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan
karo, ayaa sheegaya, in xalay Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya
Xasan Sheekh Maxamuud, uu kulan gaar ah la qaatay Raa’isal Wasaare Cabdi Faarax
Shirdoon (Saacid).
Madaxda Soomaaliya, ayaa waxa ay
ka wada hadleen dadaalada, ay ku doonayaan in isku shaandheynta loogu sameeyo
Golaha Wasiirada, sidoo kalana loogu ballaariyo.
Madaxweynaha iyo Raa’isal
Wasaaraha, ayaa iska kaashanaaya soo xulista iyo magacaabida, xubnaha kamidka
noqonaaya Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,
ayaa Raa’isal Wasaaraha ku biiriyay fikirkiisa ku aadan, xubnaha loo soo xuli
karo Wasiirada cusub.
Raa’isal Wasaare Saacid, ayaa
iminka waxa uu u muuqdaa mid heerkii ugu dambeysay maraaya, ee isku
shaandheynta uu ku sameynaayo Golihiisa Wasiirada.
Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa
maalmihii la soo dhaafay, siyaabooyin gaar gaar ah ula kulmaayay Xildhibaanada
Baarlamaanka Soomaaliya, ee nidaamka 4.5 lagu soo xulay. Isagoona ku
boorinaayay inay aqbalaan, hadba wixii uu miiska la yimaado Dr. Saacid.
Farmaajo oo mudda kadib
Waraysi culus bixiyey & Arrimo badan oo uu shaac qaaday
Isagoo ka qeyb galayay Barnaamij
dood ah oo ka baxayay Tv-ga Universal oo looga hadlayay qaabka Ciidamada
dowlada Somalia lagu caawin karo isla-markaana loo dhiso karo ciidan qaran oo
Karti leh, ayuu sheegay Ra’isul wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd Maxamed
C/laahi Maxamed Farmaajo, in Taasi ay tahay mid sahlan laakiin u baahan go’aan
dhab ah .
Farmaajo, ayaa dib u milicsaday
waqtigii uu Somalia Ra’isul wasaaraha ka ahaa , waxaana uu sheegay in shaqadii
ugu horeysay ee uu wax ka badalay inay aheyd nidaaminta iyo dhismaha Niyada
Ciidamada dowlada Somalia.
Maxamed C/laahi Maxamed Ra’isul
wasaarihii hore ee Somalia isla-markaana Taariikh wanaagsan ku leh Dalka
Ciidamaduna ay aad u jeclaayeen, ayaa tilmaamay in Ciidamadu ay Yihiin
Muhiimada ugu horeysa , isagoo sheegay in ay leeyihiin karti iyo awood xoogan
balse waxa ka maqan ay tahay Dhiiri galin iyo in Niyad dhis joogto ah la siiyo.
” Anigu Talo uma soo jeedinayo
waayo dowladu waxay leedahay Nidaam u degan oo ay qorsheyneyso inay wax uga
badasho qaabka ciidamada , laakiin wixii talo ah oo ay iiga baahdaan waan
siiyaa walina diyaar ayaan u ahay ” ayuu yiri Farmaajo.
Wuxuu sheegay markii Xilka loo
dhiibayay in ciidamadu ay ahaayeen kuwo niyad aan heyn balse uu ku fakaray sidii
uu damiirkooda usoo nooleyn lahaa rag badan oo ay ganacsato ku jiraan ayuu
tilmaamay inay ka gacan siiyen arintaas , waxaana uu shaaciyay in dhamaan
dadkii lasoo shaqeeyay uu u mahad celinayo.
“Hadii Akariga Niyad dhis loo
sameeyo Agabka uu u baahan yahay la siiyo Baahidiisa iyo dharatiisa la ogaado
Raashinkiisa Mushaarkiisa, iyo Dawadiisa la ogaado kii Dhintana reerkiisa laga
war hayo oo aan la dhihin bel wuu geeroyooday kaliya waxaan hubaa in Ciidamadu
ay kusoo laaban doonaan sidii waagii Bari samaadkii ay ahaan jireen oo kale ama
kuwa hada caalamka ka jira ee awooda lagu tiriyo.
Ugu dambeyn wuxuu u mahad celiyay
isla-markaana Salaan hawada uu u mariyaya Saraakiishii Ciidamada ee Xilligii uu
Ra’isul wasaaraha ahaa Sida , General Dhaga badan, General Saneey, General
Maaalin iyo saraakiil kale oo intooda badan aan xilal ka heyn dowlada iminka
Jirta.
Madaxweyne Xasan oo la kulmay
Gudiga golaha amaanka ee Midowga Africa
Muqdisho- Afhayeenka Aqalka madaxtooyada
Somalia ahna la taliyaha Madaxweynaha Somalia Engneer c/raxmaan cumar Cismaan
yariisoow, ayaa warbaahinta wuxuu uga warbiaya gudi ka socday Gudiga golaha
amaanka ee Midowga Africa .
Wuxuu sheegay in Ujeedka ay
gudigan ay soomaaliya ay u yimaadeen inay tahay u kuur galida xaalada am nee
Somalia iyo baahiyaha Ciidamada dowlada Somalia iyo Kuwa AMISOM .
Afhayeenka ayaa sheeegay in
Guddigaas oo ka koobanyihiin 15 da,l ay kaliya ka maqan tahay Dowlalada Masar,
inkastoo sababta uusan sheegin balse wuxuu sheegay inay iminka diyaar u yihiin
iay muujiyaan taageerada ay u hayaan dowlada Somalia.
Gudigan ayuu sheegay inau aqbalen
isla-markaana ay u hagaansameen fikirkii madaxweynaha Somalia ee ahaa in la
qalabeeyo isla markaana la tayeeyo coodamada Somalia taas uu ku sheegay inay
tahay mid guul ah .
“ Markii ugu horeysay Taariikhda
caalamka Somalia ayaa Caalamka waxaa
kala hadli doona Gudiga Golaha Amniga ee Midowga Africa, waxaana QM la
hor geyn doono warbixin loga codsanayo in ciidamada Somalia la qalabeeyo
isla-markaan laga dhigo kuwo tayeeysan” ayuu yiri Yariisoow.
Hadii la tayeeyo ciidamada
dowlada Somalia ayaa la aamin san yahay in ay awod uyeelan karaan xaqiijinta
amniga dalka isla-markaana laga maarmi karo ciidamo shisheeyo
Midowga Afrika oo ka xumaaday
hadal ka soo yeeray Ban Ki-Mon
Addis Ababa - Midowga Afrika ayaa ka xumaaday
hadal uu u jeediyay xoghyaha guud ee Qaramada Midoobay golaha loo dhan yahay,
kaasoo sheegay in loo baahan yahay ciidamo gaaraya ilaa 4,500 oo askari, si loo
xoojiyo dagaalka lagula jirro Al-Shabaab.
Midowga Afrika ayaa tiradan ku
tilmaamtay mid aad u yer oo aan waxbo ka taraneynin dagaalka ka dhanka
Al-Shabaab.
Midowga Afrika ayaa codsaday lix
kun oo askari kuwaasoo lagu daraayo tirada hadda joogta oo ah 18,000 oo askari.
Midowga Afrika ayaa sheegay in
loo baahan yahay ciidamo dheeraad si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah
Al-Shabaab oo bishii hore weerar ku qaaday xarunta ganacsiga Westgate ee
Nairobi.
Mr. Ban ayaa soo jeediyay in la
qalabeeyo ciidamada AMISOM oo la siiyo qalab iyo diyaarado si loo sii wado guulaha
ay ka gaarayaan Al-Shabaab.
Xoghayaha guud ee Qaramada
Midoobay ayaa ka digay weerarro Al-Shabaab ay ka geesato dalka iyo dibadiisa.
Midowga Afrika ayaa dhawaan
golaha ammaanka QM ka codsaday in ciidamada AMISOM la siiyo diyaarado dagaal si
loo xoojiyo dagaalka lagula jirro Al-Shabaab.
Ciidamada AMISOM ayaa labadii
sanno ee la soo dhaafay guulo ka sameeyay dagaalka Al-Shabaab, waxaana ay ka
qabsadeen labo magaallo oo muhiim ah oo ay ku jirto Kismaayo.
Maxaa ka jirra Taliye sarre oo
Al-Shabaab in uu ku noolaa dalka Ingiriiska?
London- BBC-da ayaa ogaatay mid
ka mid talyaasha sar sare ee Al-Shabaab in uu ku noolaa dalka Ingiriiska.
Ninkan oo lagu magacaabo
Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir (Ikrima) waxaa la sheegay sannadkii 2004-ta in
uu magangalyo ka codsaday dalka Norway balse waa laga diidday, waxaana la
sheegay in uu aaday dalka Ingiriiska.
Ninkan ayaa wuxuu ka mid yahay
saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab, wuxuuna u qaabilsan yahay isku xirka
Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.
Ikrima ayaa la sheegay in uu ahaa
maskaxdii ka dambeeyay weerarkii bishii hore lagu qaaday xarunta ganacsiga
Westgate ee Nairobi oo ay ku dhinteen 67-qof oo lix ka mid ah ay ahaayeen
ciidamada ammaanka Kenya.
Ninkan ayaa magaciisa si weyn u
soo baxay markii ciidamada kumaan dooska Maraykanka ay weerar ka geesteen
magaalada Baraawe ee gobalka Shabeellaha Hoose, weerarrkaas waxaa lagu
beegsanayay Ikrima balse wuu ka badbaaday.
Wuxuu ninkan xiriir la lee yahay
haweeneyda Samasa lithuwe oo ninkeeda uu ku dhintay weerarrkii sannadkii
2005-ta lagu qaaday magaalada London.
Villa Somalia oo la dhaliilay
Muqdisho - Ku dhawaad Todobo ruux oo ka mid
ahaa Shaqaalaha Madaxtooyada Somalia, kuna heyb ahaa Madaxwenihii hore ee
dowlada KMG aheyd Shariif Shiikh Axmed ayaa Shaqadii laga eryay sida warar soo
baxayo ay sheegayaan.
Mukhtaar Abuukar Macalin, waxa uu
ka mid yahay sida uu sheegtay waxgaradka kasoo jeeda Beesha Madaxweynihii hore ee Somalia, Agaasimaha Madaxtooyada ayuu ku eedeeyay, in
gelinkii dambe ee Khamiistii uu shaqada ka ceyriyay, laba kamid ah
darawaladii Shariif Sheekh Axmed, Hayeeshee Iminka darawalo u ahaa Madaxweyne
Xasan Sheekh
Wuxuu sidoo kale sheegay in hore
Villa Somaliya looga ceyriyay shan kaloo, kamid ah Shaqaalaha Villa Somalia ka
hawlgala, ee ku heybta ah Shariif Sheekh Axmed, isagoo sheegay inuusan sababta
ogeen ilaa iminka
Shaqaalaha shalay laga fariisiyay
Shaqada lagana ceysriyaya Madaxtooyada Somalia , ayuu sheegay in xitaa loo
diiday, wixii Xuquuq ahaan, ee ay ku lahaayeen Dowladda.
Heshiis ay wada galeen Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd iyo
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu tilmaamay inay qeyb ka heyd inaan
shaqaalaha Madaxtooyada aan shaqada laga eryin balse iminka Balantaas uu ka
baxay Madaxweynaha
Mukhtaar Abuukar Macalin, ayaa
hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay Idaacada SKY NEWS ee magaalada Muqdisho.
Al-shabaab oo Toogatay nin
Kufsaday Gabar 9 Sano Jir ah kadibna dilay
Beydhabo - Sida warar aan heleyno ay
sheegayaan al-shabaab ayaa xukun dil
toogasho ah waxay ku fuliyeen nin la sheegay inuu kufsi u geystay gabar yar oo safgaal sano jir
ah .
Cabdi Kwaarey, oo ah ruuuxa la
toogtay ayaa la sheegay in meel aan sidaasi
uga fogeyn howgeeda inuu ka kexeystay gabadha 9 sano jirka ah ee uu
kufsaday, waxaana dhacdadan ay ka dhacday deegaanka 20- Jiroow oo 60km u jirta
Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
ninkan ayaa la sheegay in
arintaas uu sameeyay todbaadkii hore,waxaana wararku ay sheegayaan in markii uu
kufsaday kadib inuu Meydkeeda ku tuuray meel god ah inkastoo goor dambe la
arkay.
Al-shabaab ayaa sheegay in
maykeeeda ay arkeen ciidamo ka tirsan iyaga , waxaana la tilmaamay xilliga
meydkeeda la arkayay inuu mahaa mar uu jirkeedi oo dhan uu doordoomay .
Ururka Al Shabaab, howl galo ay
sameeyeen Ciidamdooda Xisbada ah waxay
kusoo qabteen Cabdi Kawaarey, kaasi
baaritano kadib al-shabaab ay xukun dil ah ku xukumeen .
Maxkamada, waxay fagaaro cad
kasheegtay in Cabdi Kawarey uu qirtay, in uu isagu ka dambeeyay kufsiga iyo
dilka ee gabadha yar ha yeeshee maysan soo bandhigin cadeymo arintaasi
muujinaya.
Dowlada Austaralia Oo ka
digtay Weeraro ka dhaca dalka Kenya
Sidney (Sh M Network)–dowlada
Austaralia ayaa waxa ay ka digatay Weeraro Aragagaxiso oo ka dhacay dalka Kenya
gaar ahaan Magaalo xeebeedka Mombassa ee dalka Kenya.
Warka kasoo baxay dowlada
Australia ayaa waxa lagu yiri Kooxa Islamiyiinta aah waxa ay qorshaynayaa in
Weeraro kagaystaan Hoteelada ku yaala Magaalaad Mombassa iyadoo uga digtay
Dalxiisayaasha ajaaniiibta ah in ay u safraan Magaalo Xeebeedka Mombassa ee
dalxiiska loo tago.
Waxaanu uga digaynaa ajaaniibta
ku sugan Kenya in ay booqdaan ama u dalxiistagan Magaalada Mombassa waayo xili
walba waxa la filankaraa Weeraro kooxa Islaamiyiinta ay ka gaystan ayaa lagu
yiri Wara kasoo baxay dowlada Australia.
Hadalka kasoo baxay dalka
Austaria ayaa waxa uu imaanayaa xili Bishii aanu kasoo gudubnay Weerar xoogan
lagu qaaday Xarun ganacsi oo kutaala Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.
Isku day dil &
Mas’uuliyiin Somaliland ah oo Madaxa isugu Jara
Hargaisa- Habeeno ka hor Magaalada Hargeisa ee
xarunta Maamaulka Soomaaliland waxaa uu
isku day dil ka badbaaday Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiille oo kamid ah
Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland.
Xildhibaankan Bad baaday ayaa
sheegay inay arintan ka dambeeyeen qaar
kamid ah wasiirada maamulka Somaliland ee uu higaamiyo Axmed Siilaanyo.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland
,Cabdullaahi Maxamed Daahir oo qeyb ka ah dadka lagu eedeeyay isku dayga dil oo
arintaasi ka hadlay ayaa sheegay in hadal;kaas uu yahay mid aan la isaga hari
doonin .
Wuxuu sheegay in tayay eedeyntaasi mid la doonayo
in meel loogu dhaco sharaftiisa waxaana uu Tilmaamay in axkamad uu la tiigsan doono Xildhibaan
Maxamed Faarax hadii uu cadeymo keeni waayana sharci uu ka qaban doobo sida uu
sheegay
Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga
Mucaaradka Somaailand ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo dhankisa arintan ka hadlay
ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaailand ay ku
lug lahaadaan qorshe lagu khaarijinayo mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka
Somaliland oo sida uu sheegay howl u haya shacabka Somaliland.
Warar soo baxaya ayaa sheegay in
ruuxii falkan geystay oo wali ku dhuumaaleysanayo magaaalada Harigeisana ,
Ciidamada maamulka Somaliland ayaa la tilmaamaya inaysan wali sameyn Howlgalo
arintaasi ku aadan oo ay ku daba galayaan ruuxii isku dayay inuu xildhinaaanka
qaarijiyo , taas oo shaki ku abuurtay shacabka reer Hargaisa sida ay sheegeen
No comments:
Post a Comment