Monday 14 October 2013

WARBIXIN: Mooshin Ka Dhan ah Raysul Wasaare Saacid oo Baarlamaanka La Geeyey Iyo Guddoonka Baarlamaanka oo Raysul Wasaaraha Ku Wargeliyey Inuu Kalsooni Soo Doonto


SaacidMuqdisho (RBC) Guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey inuu xafiiska raysul wasaaraha u diray warqad uu ku wargelinayo in Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu ku hor yimaado baarlamaanka 26-ka bishan, si codka kalsoonida uu u weydiisto xildhibaanada.
Xildhibaan ka mid ah golaha baarlamaanka ayaa Raxanreeb u sheegay in mooshinka ay hadda saxiixeen illaa 80 mudane, mar haddii tirada mooshinka [soo jeedinta] keentana ay kor u dhaafto 50 xildhibaan waxaa bannaan in mooshinkaasi baarlamaanka tago oo lagu soo daro ajendaha, sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay mid ka mid ah mudanayaasha saxiixay mooshinka oo aan rabin in magaciisa la shaaciyo,
Xiritaankii fadhiga baarlamaanka ka hor munaasabadda Ciida oo maalinimadii Axadda ku beegneyd ayaa afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu si rasmi ah hoolka uga sheegay in baarlamaanka uu ka codsaday raysul wasaare Saacid inuu yimaado baarlamaanka soona doonto kalsoonida baarlamaanka si uu u sii shaqeeyo sanad kale.
Mudanayaasha saxiixay mooshinkan waxay sheegayaan in sharciga ee sheegayo in wasiirka koowaad ee xukuumadda marka uu sanad joogo xafiiska uu hortagayo baarlamaanka si uu markale cod kalsooni u weydiisto.  Toddobaadkii hore ayey ahayd markii uu raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu u dabbaaldegay sanadguuradii koowaad ee magacabistiisa.
Dabbaaldegiisa koowaad wuxuu raysul wasaaruhu kaga hadlay wararka sheegaya inuu isaga xilka baneynayo, isagoo sheegay in illaa 2016 oo ah waqtiga uu ku eg yahay xilka madaxweynaha iyo baarlamaanka uu isaguna xilka ka degayo.
Dadka dhaliilsan siyaasadda raysul wasaare Saacid iyo xukuumadiisa oo isugu jira xildhibaano iyo dad siyaasiyiin ahba waxay ku doodayaan in raysul wasaaruhu uu noqday fadhiid iyo in wasiiradiisa qaarkood ay kaga firfirdoon yihiin shaqada guud ee uu isagu hoggaankeeda hayo, waxayna ku doodayaan inay waajib tahay in raysul wasaaruhu meesha banneeyo ka hor inta aan la guda galin isku shaandheynta laga rajeynayo inuu xukuumadda ku sameeyo.
Laakiin dad kale oo baarlamaanka laftiisa ay ku jiraan iyo taageerayaasha xukuumadda ayaa qaba in isku shaandheynta ay tahay mid loo baahan yahay, hase yeeshee aysan muuqan sabab uu Cabdi Faarax Shirdoon xilka uga tago, mar haddii mudadii sanadka ahayd ee la soo dhaafay isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay si dhow isula shaqeeyeen ayna waxyaabo badan isku aragti ka ahaayeen, arrintaasi oo loo aaneynayo inay sabab u ahayd siyaasadda guud ee dawlada oo laga dhowray inay bannaanka timaado iyo isheysad la’aanta dawladan marka loo eego dawladihii ku-meelgaarka ahaa ee dalka soo maray.

RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...