Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheakh Maxamuud oo shir jaraaid ku qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa go’aamiyey in hanaanka doorasho ee dib u eegista ay ku sameeyeen baarlamaanka Soomaaliya uu sidiisa u dhaqan galo.
Madaxweynaha ayaa sheegay qorshaha doorashada oo maalmahaanba ay ka hadlayeen baarlamaanka waqti badan ay qaadatay oo baarlamaankuna uu ku kala qeybsamay go’aan ka gaaristeeda.
Waxa uu sheegay mudane Xasan Sheakh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya in ka madaxweyne ahaan uu go’aamiyey in hanaanka doorasho ee baarlamaanka uu dib u eegista ku sameeyey in sidiisa uu ku dhaqan galo laga bilaabo maanta.
No comments:
Post a Comment