APL
Gaalkacyo(AllPuntland)- Isbitaalka Gaalkacyo ayaa ka mid ahaa Isbitaaladii dhismayaashoodu ay ku yar yihiin Soomaaliya, wuxuuna ka kooban yahay qeybo badan oo qaarkood dhawaanahaan intii ay jirtay Puntland lugu daray, halka badankoodu ay yihiin kuwii ay ka tagtay dawladdii Dhexe ee Soomaaliya, oo burburtay 1991-dii.
Isbitaalka ayaa shaqo wanaagsan uqabtay bulshada gobalka Mudug mudooyinkii ugu dambeeyey, wuxuuna ka mid ahaa Cusbitaalada ugu wanaagsan ee ka jiray waqtiyadii ugu dambeeyey, waxaana looga imaan jiray guud ahaan Soomaaliya, intii uusan xirmin oo uusan noqon sida uu hada yahay.
Imaanshihii MSF ee Isbitaalka Gaalkacyo.
MSF Holand ayaa gacanta ku qabatay Isbitaalka gobalka Sannadkii 1997-dii, xiligaas oo aysan jirin dawladda Puntland, balse ay ka ariminayeen deegaanadan Jamhado hubeysan, inkastoo loo fadhiyey wada hadaladii ladoonayay in lugu unko Puntland, waxa ayna MSF wax badan ka qabatay markii ay timidba baahiyo badan oo heystay dad badan oo ku dhaqnaa gobalada Puntland, oo ah dhanka Caafimaadka.
Waqtiyadii ugu wanaagsanaa.
MRH (Mudug Regional Hospital), waxaa soo maray marxalado uu meel wanaagsan marayay oo ay ka socotay shaqo ay aad ugu baahi-beeleen bulshada Soomaaliyeed oo idil, gaar ahaana kuwa ku dhaqan deegaanada Puntland, oo uu ku yaala Isbitaalka.
Ayaamihii ugu wanaagsanaa ee soo maray Cusbitaalka ayaa ah sannadyadii 2000/2006-dii, xiliyadaas oo ay shaqo wanaagsan ka socotay gudaha cusbitaalka ayna fariisan jireen dhaqaatiir kala duwan, ayna dadku heli jireen adeegyada ay ubaahnaayeen oo dhan, taasoo keentay horumar baaxad weyn leh in uu ku talaab-saday Cusbitaalka Gaalkacyo.
Sannadada uu Mudug Hospital Regional gaaray heerkii ugu sareeyey, waxaa maamuleysay oo gacanta ku heysay Hay’adihii MSF-Holand oo bixin jiray Dawada, Mushaarka shaqaalaha iyo dhamaan adeegyadii ay ku socotay shaqada Cusbitaalka Gaalkacyo.
MSF waxa ay ku sameysay Cusbitaalka Galkacyo dibu habeyn baaxad weyn leh, iyadoo dhistay meelaha qaarkood, halka kuwa dhisnaana ay ku sameysay dayactir baaxad weyn oo hadeer ay ka muuqdaan dhismihii MSF-Holand.
Bilowgii Khilaafkii MSF iyo Maamulkii gobalka Mudug.
Tan iyo intii uu gobolka mamulkiisa qabtay C/rishiid Cali Xaashi (Dhuubane), waxaa sare u kacay isfahan darada soo dhexgashay MSF-Holand iyo maamulkii markaasi ee gobalka Mudug, waxaa curtay xaalado mowjado ah oo khilaaf ah, kuwaas oo ku wajahnaa Isbitaalka guud ee gobalka Mudug, markii uu yimid khilaaf soo kala dhexgalay MSF-Holand iyo Maamulkii gobalka Mudug ee waqtigaasi jiray, kaasoo waxyaabaha laysku qabtay ay ahaayeen kuwa aysan cidna daah-kasaarneyn.
Gundhiga khilaafkaas ayaa ah isfaham daro soo kala dhexgashay maamulkii gobalka Mudug iyo Hay’adii maamuleysay Cusbitaalka ee MSF-Holand, iyadoo ay Hay’adu cabasho badan ka muujisay hababkii ay Maamulku ula shaqeynayeen Hay’ada.
Dadaaladii loo galay xalinta Khilaafka.
Marar badan ayaa laysku dayay in la xaliyo mashaakilaadka Khilaafkaas, balse luguma guuleysan, waxaana lugu tiriyaa in dhinac Puntland ay ka imaan waayeen waxyaabo kala gedisan oo ay ubaahneyd in go’aan cad laga gaaro.
Khilaafku wuxuu gaaray Madaxweynihii waqtigaas maamuleyey Puntland Maxamuud Muuse Xirsi, waxaana jiray gudiyo umagacaabay howshan, oo la kulmay MSF-Holand, balse MSF ayaa sheegtay in aysan helin sidii ay doonayeen in loo wado Cusbitaalka Gaalkacyo howlihisii iyo kaalintii dawladda Puntland ama la shaqeyntii Maamulkii gobalka.
Xal lagama gaarin in ay MSF ku nagaato Cusbitaalka Gaalkacyo, waxa ayna June 1, 2006, si rasmi ah uga baxday MSF cusbitaalkii guud ee magaalada Gaalkacyo, waxa ayna ku wareejisay dawladda Puntland ee Soomaaliya, gaar ahaana maamulkii waqtigaasi jiray, sida ay APL maanta usheegeen qaar ka mid ah Goob-joogayaashii waqtigaasi.
Puntland & MRH.
Maamul gobaleedkii Puntland ee waqtigaasi iyo Isbitaalkii guud ee Gaalkacyo oo aysan cidna udhaxeyn ayaa xaajadu soo gaartay, waxaana Madaxweynihii waqtigaasi Cadde Muuse, magacaabay gudiyo loo diray shaqooyin kala gedisan oo ku saabsanaa howlaha Cusbitaalka, waqtigaasna waxaa ku faruurnaa Mudug xiisado dagaal oo uga imaanayay Midowga Maxaakiimta Shareecada ee joogay duleedyada Gaalkacyo.
Horumar lagama gaarin in Cusbitaalka Gaalkacyo, ka fiicnaado sidii uu ahaa markii ay MSF gacanta ku heysa, in loo darsado mooyaane, dad badan ayaa aad uga carooday bixitaankii MSF iyo gudiyadii loo magacaabay howsha Cusbitaalka magaalada Gaalkacyo.
Shaqadii Cusbitaalka ayaa meel hoose gaartay wixii ka dambeeyey bixidii MSF, waxaa la waayay dhaqaale lugu wado howlaha Cusbitaalka, sida ay xaqiijiyeen dad aad ula socday waqtigaasi xaaladaha Cusbitaalka.
Dhaqaatiir marar badan balan qaaday in ay fariisan doonaan Cusbitaalka, ayaa la waayay, qaarkoodna waxa ay ka badan waayeen goobahooda gaarka ah, oo ay furteen waqtiyadii kala gedisanaa ee ay ku soo laabteen dalka Soomaaliya.
Xaaladihii ugu dambeeyey ee Isbitaalkii guud ee gobalka Mudug.
Isbitaalka ayaa sannad kasta iyo bil kasta ka soo darayay wixii ka dambeeyey, markii ay meesha ka baxday MSF-Holand, wuxuuna ugu dambeyntii soo gaaray oo uu tagay halkii ugu hooseysay oo ahayd in lugu tilmaamo in uu xirmayo, marka laga reebo qeybo yar oo ku shaqeeya si dirqi ah, wali hay’ado Madax banaan ka hela taageerooyin aan badneyn.
Isbitaalka oo horey uqaban jiray dhamaanba waxyaabaha looga baahnaa Cusbitaal, wuxuu ku guuldareystay in laga helo dawooyin, dhaqaatiir & Shaqaale, waxaana uu noqday mid aysan cidna dhaawac iyo wax kale toona geysan.
Sannadyii ugu dambeeyey si toos ah ayay Bulshada farta ugu heysay Cusbitaalka oo lugu tirinayay mid aan shaqeyneyn, taasoo run noqoneysa marka aad eegto Xaaladaha uu ku sugan yahay Cusbitaalku iyo xaajadiisa halka ay gaartay.
Faa’iidada ay heleen goobaha Caafimadka ee gaarka loo leeyahay ka dib, hakintii howlihii Isbitaalkii ee Mudug.
Markii uu xirmay Isbitaalkii guud ee gobalka Mudug, waxaa meel sare gaaray shaqada ka socota goobaha gaarka ah loo leeyahay oo ay maciin bideen dadka rayidka ah, oo aan marna ka maarmin adeegyada Caafimaadka.
Isbitaalo badan oo ka furan magaalada Gaalkacyo, oo dhamaantood ah kuwa gaar loo leeyahay, ayaa wax badan faa’iiday wixii ka dambeeyey markii uu xirmay Isbitaalkii guud ee gobalka Mudug, taasoo keentay in aan sii hadal heyn howlihii cusbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, waxa ayna dad badan rumeysan yihiin in ay dadku ku qanacsanaadeen lacagaha uga baxaya goobaha gaarka loo leeyahay.
Dhismihii Xukuumadii Madaxweyne Faroole iyo Hankii Cusbitaalka Gaalkacyo.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed oo 27, January 2009, ku dhawaaqay golihiisii Wasiirada ee ugu horeeyey, ayaa Cusbitaalka Gaalkacyo loo arkayay in uu noqon doono mid si deg deg ah ushaqeeya oo ay usoo laabato howshii looga baahnaa ee mudada dheer la dhowrayay.
Maadaama Wasiirka Caafimaadka laga dhigay Dhaqtar wax badan ka yaqaanay howlaha Cusbitaalka Gaalkacyo, kana mid ahaa dhaqaatiir usoo joogtay xaaladihii uu soo maray Cusbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.
Wasaaradda Caafimaadka VS Cusbitaalka Gaalkacyo.
Khuburo badan ayaa rumeysan in Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland dadaalo badan oo ay sameysay kuna aadanaa furitaanka Cusbitaalka Gaalkacyo, aysan waxba ka hirgalin, iyadoo dhawaana uu sheegay Wasiirka Wasaaraddaas in ay furi doonaan Cusbitaalka Gaalkacyo.
Sida ay APL maanta oo jimce ah ka soo xigatay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegaya in ay Wasaaraddu hada diyaarinaysa in horaanta sannadkan Hay’ad lugu wareejiyo howlaha Cusbitaalka Gaalkacyo, taasoo wax badan ka caawin doonta xaajada Cusbitaalka.
Shaki badan cidna kama saarna in ay jiraan howlo badan oo ladoonayo in lugu furo Cusbitaalka Gaalkacyo, balse su’aasha ilaa hada aan jawaabta loo helin ayaa ah Waqtima ayay uqorsheysan tahay dawladda Puntland in la furo Cusbitaalka guud ee Gaalkacyo?.
Dhawaaqa cusub.
Kooxo iskugu jira dhaqaatiir, Ganacsato dhanka dawada ah iyo Aqoonyahano ayaa Khamiistii ka sheegay Gaalkacyo in ay furi doonaan, MRH (Mudug Regional Hospital),waxa ayna tibaaxeen in ay si iskood ah ku wadayaan howshan, waxa ayna tibaaxeen in ay qorsheynayaan in sannadkan cusub la helo cid la wareegta Cusbitaalka Gaalkacyo.
MSF wali shaqo ayay ka wadaa qeybo ka mid ah Cusbitaalka….
MSF-Holand waxa ay shaqo ka wadaa qeybo ka tirsan Cusbitaalka oo ay wali gacanta ku heyso, oo ay ka mid yihiin qeybaha TB-da iyo Quudinta Caruurta, oo ah kuwa ay hada abaal weyn ku qabaan dadka gobalka Mudug, waxaana tiro badan oo dad ah ay subax kasta galaan Xarunta TB-da oo ay qaataan dawadas, halka quudinta Caruurta ay dadku qaataan Raashimo kala duwan iyo waxyaabo keenaya nafaqeynta Caruurta.
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment