Wednesday 27 January 2010

DEG DEG: Qarax Xoogan oo Goor Dhoweyd Laga Maqlay Magaalada Boosaaso

Boosaaso, (RBC Radio) Qarax xoogan oo loo maleynayo in miino loo adeegsaday ayaa goor dhoweyd oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxan oo guud ahaan magaalada laga maqlayey ayaa ka dhacay wadada dheer isku xirta dekeda Boosaaso iyo xarunta madaxtooyada ee Waqooyiga magaalada

Sida wararku sheegayaan waxaa qaraxa lala beegsaday gaari ay leeyihiin ciidanka booliska gaar ahaan kuwa PIS ee sirdoonka oo xilligaasi marayey wadada.

Ugu yaraan 3 ruux oo isugu jira rayid iyo askar ayaa ku dhaawacantay qaraxa. Mid ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ah haweeney biibito shaaha laga cabo ku heysatey wadada dhinaceeda.

Qof goob jooge ah ayaa RBC Radio u sheegay in ciidamo badan oo boolis ah ay gaareen goobta qaraxu ka dhacay oo ah halkaasi oo ay ka wadaan baaritaan.

Gaariga ay wateen ciidanka qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegayaa khasaare kooban uu ka soo gaaray firirka qaraxaka dhashay.

Waxaa qaraxan uu ku soo beegmayaa iyadoo qarax bam gacmeed loo adeegsaday oo xaley ka dhacay magaalada, kaasi oo aan geysan wax khasaare ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...