Tuesday 5 January 2010

Puntland: Hab dhaqanka ciidamada Puntland oo la dhaliilay.

5. januar 2010

Puntland(AllPuntland)- Odayaasha dhaqanka iyo Culumada magaalada Boosaaso ayaa dhaliilay hab dhaqanka ciidamada dawladda Puntland ee ka shaqeeya arrimaha amaanka, oo ay sheegeen in ay u dhaqmayaan si keenaysa dhibaatada oo dheeraata oo kaliya.

Culumada Diinta oo ka hadlaysay kulan ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa ugu baaqday dawladda Puntland in ay la timaado qorshe lagala shaqeyn karo, kuna aadan wax ka qabashada xaajada amaanka ee guud ahaan deegaanada Puntland ee Soomaaliya.

Waxgaradka iyo Culumada ayaa ku eedeeyey ciidamada dawladda Puntland in ay ku jiraan sii kala fogeynta dawladda iyo Shacabka Puntland, markii ay qaadaan talaabooyinka qaarkood.

Ciidamada amaanka ayaa markii ay galayaan meelaha qaarkood waxa ay sameeyaan falal amaan daro hor leh abuuri kara, gaar ahaan soo qabashada dadka qaarkood oo ay ula dhaqmayaan siyaabo aan wanaagsaneyn, sida ay Madaxda dawladda Puntland usheegeen Culumada Diinta.

Weerar lugu qaado qofka lasoo eedeeyey iyo galida goobaha gaarka ah ee ay ciidamadu ku galaan sida aan wanaagsaneyn, gaar ahaan Masaajidada oo ah beyd Alle, balse ay usoo galaan qaab aan ku wanaagsaneyn dhaqanka Suuban iyo Nidaamka Masaajidada.

Dawladda Puntland ayaa qaadatay dhaliisha uga timid culumada Diinta Puntland, waxa ayna raaligalin ka bixisay dawladda dhaqamada ay ku dhaqmaan ciidamada amaanka ee Puntland, iyadoo sheegtay in ay wax badan ka qaban doonto arrimaha ku wajahan xaaladaha amaanka ee Puntland.

Wasiirka Amniga ee Puntland oo ay ku socdaan dhaliilaha ka imaanayay Culumada Diinta, maadaama ay isaga hoos yimaadaan ciidamada amaanka ee Puntland ayuu sheegay in ay run yihiin oo ay jiraan talaabooyin ay ku qaldan yihiin ciidamada dawladda, isagoo sheegay in ay saxi doonaan.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/samad Cali Shire ayaa sheegay in ay dawladdu wax badan ka qaban doonto arrimahaasi, isagoo ka codsaday Culumada Diinta iyo Waxgaradka in ay la shaqeeyaan dawladda, oo uu sheegay in ay dagaal adag kula jirto shaqsiyaad doonaya burburinta Puntland, oo uu sheegay in ay qaarkood udhasheen deegaanada Puntland ee Soomaaliya.

Madaxda Puntland ayaa raali galin ka bixiyay wadaad ay kala baxeen Masjid kuyaala magaalada Bosaso, kaas oo ay weerar ku qaadeen ciidamada dawladda Puntland, waxaana inta badan talaabooyinka ay ciidamada amaanku ku qaadaan dadka la tuhunsan yahay uu yahay qaab aan wanaagsaneyn, isla markaasna keeni kara dhibaato hor leh oo dhacda, gaar ahaana marka ay qabanayaan dadka ay tuhunsan yihiin oo ay ku jiraan Culumada Diinta oo tixgalin weyn ku dhex leh dadka Shacabkaa.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...