Thursday 21 January 2010

B/weyne/Guricel: Al- Shabaab & Xisbul Islaam oo awood fara badan geeyey Hiiraan iyo Galguduud, dagaalna udiyaar garoobay...WARBIXIN...

21. januar 2010

APL

B/weyne/Guricel(AllPuntland)- Dhinacyada ku loolamaya gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa kordhiyey awoodahooda gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya, waxaana la dareemayaa saan-saan dagaal oo xoog leh kana socota gobaladaasi, oo ay kala wadaan dhinacyo kala aamisan xaalado iska soo horjeeda.

Xisbul Islaam oo laga qabsaday bariga magaalada Baladweyn ayaa ciidankii ugu badnaa abid galisay Hiiraan, waxa ayna xalay ka soo gudbeen degmada Buula-Barde,waxa ayna galeen gudaha magaalada Baladweyne, iyagoo qeybsaday aagag dagaal ee ay ka dagaalamayaan.

APL ayaa ogaatay in uu ciidan hogaaminayo xoghayaha gaashaandhiga ee Xisbul Islaam Muuse Caraale, oo soo gaaray gobalka Hiiraan, oo ay doonayaan in ay dib usoo ceshadaan, markii weerar uga yimid Ahlu Suna oo kaalmo-siinaysa ciidamo awood horay ugu qabsan waayay meelo kamid ah Hiiraan.

Saraakiisha ugu sareysa Xisbul Islaam ayaa awood aan yareyn geeyey Hiiraan, waxa ayna Madaxdoodii tagaan gobalka Hiiraan oo ay doonayaan in ay ka agaasimaan dagaalada xooga leh ee ay doonayaan in ay ku dhaqaaqaan.

Sidoo kale degmada Guriceel iyo guud ahaan gobalka Galguduud ayay Xarakada Al- Shabaab galisay ciidamadii ugu badnaa, oo ka yimaada Koonfurta fog ee Soomaaliya iyo deegaanada kale ee ay maamulayaan Xarakada Al- Shabaab.

Al- Shabaab ayaa awood badan oo ciidan ka keenay Jubooyinka, Gedo, Shabeelooyinka & gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay hogaaminayaan Saraakiil iskugu jira Soomaali iyo Ajnabi wax badan ka yaqaana dagaalada iyo xaaladaha dagaal ee gobalka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Todobaadyadii ugu dambeeyey ayay Al- Shabaab waday abaabuladii ugu dambeeyey oo ay ku doonayso in ay qabsato deegaanada gobalka Galguduud, waxa ayna dad badan ka baxeen guryahoodii gobalka Galguduud, markii ay arkeen xaaladaha rasmiga ah ee ay ku sugan yihiin gobalada dhexe ee Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqyada Milateri ee dhinacyada ka soo horjeeda Siyaasadaha dawladda KMG ah, Itoobiya iyo Reer galbeedka ayaa ku soo beegmaya xili ay Ahlu Suna Waljameecah shegayso in ay iska difaaci karto awood kasta oo uga timaada dhinacyada ka soo horjeeda, waxaana aan la garan Karin xaaladuhu sida ay noqon karaan.

Xeeldheerayaasha arrimaha Milateriga ayaa qaba walaac balaaran oo ku wajahan dagaalo qarxa, waxa ayna rumeysan yihiin in dagaalo hadeer qarxa aysan si fudud ku dhamaan doonin, oo ay gaari doonaan meelo badan oo ka mid ah gobalada Dhexe ee dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in awoodaha Al- Shabaab iyo Xisbul Islaam aad loo soo kordhiyey.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...