Saturday 23 January 2010

Maxkamada Darajada 1-aad ee maamulka Puntland oo maanta labo eedeeysane ku riday xukuno dil ah oo mid ka mid ah muran badan uu ka taagan yahay

Maxkamada Darajada Koowaad ee maamulka Puntland ayaa maanta xukuno dil ah ku riday labo nin oo lagu eedeeyey iney dad kale horey ugu dileen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, iyadoo mid ka mid ah xukunadaasi dilka ahna ay su’aal ka taagan tahay.

Labada nin ee maxkamada la horkeenay ayaa midkood waxaa lagu magacaabaa C/fitaax Axmed Daahir kaasoo lagu soo eedeeyey inuu magaalada Boosaaso ku dilay 5-tii bishan Janaayo xildhibaan ka tirsan baarlamanka maamulka Puntland, waxaana maxkamadu ay sheegtay cadeyn iyo markhaati ka dib in ay ninkaasi ku xukuntay dil toogasho ah.

Sidoo kale waxaa maxkamada la hor keenay ninka labaad oo ka soo jeeda dalka Itoobiya magaciisana la yiraahdo Asmar Heyle gabar, kaasoo ku eedeeysnaa inuu magaalada Boosaaso ku dilay dhowaan askari ka tirsan ciidamada maamulka Puntland mid kalena si xun u dhaawacay, waxaana ninkaasi ay ku xukuntay maxkamada dil toogasho ah.

Xukunka dilka ah ee lagu riday Asmar Heyle gabar ayaa muran badan ka dhaliyey magaalada Boosaaso kaasoo dadku ay u arkeen inuu ahaa mid cadaalad daro ah, waxaana la sheegay in falkan dilka iyo dhaawaca ah uu geystay ninkaasi isagoo iska difaacaya labadan askari oo gurigiisa ku weeraray xili habeenimo ah iyagoo doonayey iney ku hor kufsadaan xaaskiisa.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...