Monday 18 January 2010

AMISOM oo Si buuxda ula wareegtay Amaanka Villa Somalia kadib Digniino labixiyay.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horaysay kala diray Ciidamo Dowlada katirsanaa oo ilaala ka hayay Madaxtooyada Villa Somalia oo ah halka ay Kooxaha Somalidu hubka u sitaan.

Ilo Wareedyo laga helay Villa Somalia ayaa xaqiijinaya in lakala diray Ciidankii dowlada ee ilaalada ka hayay wadooyinka soo galay Villada kadib warar digniin ah oo la baxshay.

Ciidamada AMISOM oo Godad dhaa dheer ka qodanayay ayaa saaka lagu arkayay agagaarka Madaxtooyada oo aan looga baran AMISOM.

Saaka arootii ayay Ciidanka AMISOM soo degeen Difaacyo dhowr ah oo ay Ciidanka dowlada ku lahaayeen Villa Somalia dhanka soo xigta Wadada Falonrensa waxaana difaacyadaasi laga qaaday Ciidan Somali ah oo halkaasi ilaala ka hayay.

Taangiyada qafilan ee Ciidanka AMISOM ayaa iyana lasoo dhigay meel ku dhaw Sayidka halkaas oo ay horay isugu hor fadhiyeen Ciidanka dowlada iyo kuwa Xisbul Islaam.

Shirkad dhanka Amaanka qaabilsan oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa digniin ku bixisay in ay dhici karaan weeraro Madaxtooyada ay ku qaadaan Xoogag Islaamiyiin ah oo qaab laaluush ah usoo jiira Ciidanka ilaalada ka ah Villa Somalia.

Xogtan digniinta ah oo ay bixisay shirkadda Amaanka ee Mareykanka waxay intaas raacisay in Kooxo Mintid ah ay Weerar kusoo geli karaan Villa Somalia dhibaatana ay ugaysan karaan Madaxda dowladda.

Ciidanka AMISOM ee Difaacyada ka dhigtay Hareeraha Madaxtooyada Villa Somalia waxay saaka weeraro kala kulmeen Kooxo raacsan Xisbul Islaam oo iyana difaacya uga jira degmada Wardhiigleey.

Waa Markii ugu horaysay oo ay AMISOM si buuxda ula wareegto Amaanka Madaxtooyada Villa Somalia oo ay si wada jir ah u wada joogeen Ciidanka AMISOM iyo kuwa Somali ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...