Saturday 23 January 2010

Axmed Siilaanyo oo Soo Laabashadiisa Hargeysa Shaki La Geliyey (Warbixin)


Hargeysa, (RBC Radio) Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo dhowaanahan safar ku marayey wadamo dibada ah ayaa waxaa soo baxaya shaki badan oo la galinayo sida uu dib ugu soo labanayo degaanada Somaliland.

Waxaa arimahan siyaabo kala duwan ay uga soo baxayaan masuuliyiin ka tirsan dowlada Somaliland kuwaasi oo 24 saac ee la soo dhaafay hadalo is khilaafsan ka baahiyey warbaahinta gudaha.

Wasiir ku xigeenka arimaha dibada ee Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse) ayaa shaley qaar ka mid ah warbaahinta gudaha u sheegay in dowlada Somaliland aysan ogolaan doonin in Axmed Siilaanyo uu dib ugu soo laabto Hargeysa illaa inta uu raali gelin ka bixinayo hadal ku saabsan midnimada Soomaaliya iyo arimaha federaalka oo uu ka hadlay intii uu booqaashada ku joogay dalka Mareykanka.

Waxaa uu wasiir ku xigeenka dibada Somaliland uu intaa ku daray in Siilaanyo uu qiyaameeyey gooni isu taaga Somaliland isla markaana uu muujiyey inuu raali ka yahay uuna ogol yahay midnimada Soomaaliyeed, taasi oo maamulka haatan ka jira Somaliland uusan maqli karin.

Warkaasi ayaa si weyn u dhex qaaday shacabka degaanada Somaliland isla markaana abuuray dareen xoogan oo ay caro ku dheehan tahay.

Hase yeeshee wasirka arimaha dibada ee Somalilanmd C/laahi Maxamed Ducaale oo maanta war qoraal ah ka soo saaray Hargeysa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaasi laga xigtay wasiir ku xigeenkiisa isagoo sheegay in maamulka Somaliland aanu marnaba sameuyn doonin is hortaag lagu sameynayo Siilaanyo.

Ducaale waxaa uu sheegay in Siilaanyo uu yahay siyaasi wax weyn ka soo qaatay dhaqdhaqaaqyadii ay soo martay Somaliland isla markaana uu yahay nin hadda u taagan jagada madaxweynaha, sidaasi awgeedna aaney suuragal ahayn in laga hor joogsado magaalada Hargeysa.

Wasiirka arimaha dibada waxaa uu dhinac isaga riixay inuu haba yaraatee wax ka ogaa hadalka ka soo yeeray wasiir ku xigeenkiisa.

Axmed Siilaanyo oo ah ruug cadaa siyaasi ah wax badana ku jiray siyaasada Soomaalida ayaa dhowr jeer waxay dowlada Somaliland ku eedeysay inaysan ka run ahayn gooni isu taaga Somaliland inkastoo uu isagu beeniyey.

Murankan haatan ka soo shaac baxay Hargeysa ayaa soo baxay xilli uu Axmed Siilaanyo booqasho rasmi ah ku tegey dalka Mareykanka isagoo kylamo la qaatay jaaliyadaha Soomaalida ee Washington waxaana uu u jeediyey khudbad ku aadan siyaasada Soomaaliya taasi oo loo maleynayo in dowlada Somaliland ay dhibsatey, waa haddii uu dhab noqdo hadalka ka soo yeeray wasiir ku xigeenka arimaha dibada.

Waxaa sidoo kale toddobaadkan markale sare u kacay muranka ku saabsan doorashada madaxtinimada Somaliland ee ka dhex taagan xisbiga talada haya iyo kuwa mucaaradka iyadoo shaki badana la gelinayo qabsoomida doorashada oo saddex jeer hore u baaqatay.

Dadka la socda siyaasada ayaa sheega in inkastoo Axmed Siilaanyo xilligan yahay hogaamiye mucaarad haddana uu in badan ka aragti duwan yahay hogaamiyaasha iyo siyaasiyiinta kale ee Somaliland.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...