Friday 29 January 2010

Baladweyn: Gudoomiyaha Odayasha gobalka Hiiraan oo ka hadlay dagaalada Baladweyne.

Baladweyne(AllPuntland)- Gudoomiyaha golaha Nabadoonada ee gobalka Hiiraan Max’ed Cabdi Yuusuf (Xuushow) oo ka hadlayay Saxaafada Soomaalida ayaa ka hadlay xaaladaha qalafsan ee maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa gobalka Hiiraan ee dalka Soomaaliya.

Nabadoon Maxamed wuxuu sheegay in ay gobalkaasi ku dagaalamayaan dad uu sheegay in ay udhasheen gobalka, oo wata magac Ahlu Suna iyo ciidamo uu sheegay in ay soo duuleen, oo ula jeeday ciidamada Kooxaha ka soo horjeeda dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Nabadoonkan ayaa sheegay in ay dad badan ka baxeen magaalada Baladweyne, isagoo sheegay in ay dadkaasi ka baqdeen dagaalada socda, wuxuuna tibaaxay in ay heystaan dadkaas dhibab kala gedisan oo dhamaantood ah, kuwa aysan udulqaadan Karin.

Xuushow oo umuuqday in uu la dhacsan yahay ciidamada taabacsan dawladda KMG ah duulaankooda gobalka Hiiraan, ayaa sheegay in ay Odayaal ahaan ka xun yihiin dagaalada, balse wuxuu tilmaamay in ay doonayaan in gobalka ay qabsadaan, waa sida uu hadalka udhigaye dadka udhashay.

Maxamed Cabdi wuxuu waxba kama jiraan ku sifeeyey magaca Ahlu Suna in ay yihiin dad kale, isagoo sheegay in ay dadkaasi yihiin dad udhashay gobalka Hiiraan, magacaasna ay ku doonayaan in ay ku soo galaan gobalka Hiiraan.

Mar la weydiiyey waxa ku jaban in ay gobalka Maamulaan Xarakada Al- Shabaab & Ururka Xisbul Islaam ayuu sheegay in ay dhinacyadaasi ku xiran yihiin, waa sida uu hadalka udhigaye dhinacyo kale, sidoo kale mar la weydiiyey waxa uu ku xaqiijin karo in dhinacyada uu taageersan yahay aysan xiriir la laheyn Itoobiya, ayuu ka gaabsaday in uu taasi ka jawaabo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...