9. januar 2010
Garowe(AllPuntland)- Qaar kamid ah Isimada ugu magaca dheer ee deegaanada Puntland ayaa xalay ka qeybgalay munaasabadii ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Garowe, taas oo looga hadlayay Waxqabadkii Xukuumada waqtigan ee Puntland, iyadoo ay joogeen masuuliyiin kala gedisan.
Islaan Ciise Islaan Maxamed oo sannadkii ugu dambeeyey ka maqnaa Masraxyada noocaan ah ayaa ah ka soo muuqday gudaha Madasha xuska, isagoo ay la socdaan qaar ka mid ah Isimada Puntland oo dhawaanahaan ku maqnaa dalka dibadiisa, gaar ahaana Isimada ka soo jeeda gobalada Sool, Sanaag & Cayn.
Islaan Ciise oo hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay waxqabad, isagoo tibaaxay in ay jiraan dhaliilo badan oo ay leedahay dawladda Puntland ee Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay waxqabad in looga fadhiyo Xukuumada Madaxweyne Faroole.
Islaanku wuxuu lagama maarmaan ka dhigay in la helo amaan sugid cad oo ku wajahan Puntland, isagoo tibaaxay in aysan xukuumadan waxba ka duwaneyn Xukuumadihii kaga horeeyey Aqalka Madaxtooyada ee Puntland.
Doorka Isimada ee ku wajahan Siyaasada iyo talada dalka ayuu sheegay in ay Xukuumadihii hore wax badan kala socdeen arrimaheeda, balse aysan Xukuumadan hada jirtaa wax badan ka ogeyn xaaladaheeda, isagoo ugu baaqay Madaxda dawladda Puntland in ay la socdaan xaajadu halka ay hada marayso.
Hadalo dardaaran ah ayuu Islaan Ciise Islaan Maxamed ka jeediyey madashii xalay, isagoo ku baaqay in lala yimaado waxqabad muuqda oo qancin kara Bulshada Puntland, loogana fadhiyo Madaxweyne Faroole iyo Xukuumadiisa.
Garaad Abshir Saalax oo ka mid ahaa Isimadii ka qeybgalay wada hadaladii Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, loogana hadlayay xaaladaha Sool, Sanaag & Cayn ayaa sheegay in aysan wada hadaladaasi aheyn kuwa wax loogu dhimayo sharafta iyo Midnimada Puntland.
Garaad Abshir wuxuu ku baaqay midnimada Shacabka Puntland, isagoo sheegay in ay Laascaanood-na tahay mel ka maqan Puntland oo dhan, ayna dadka udhashay Sool utaagan yihiin sidii loo soo dhicin lahaa Laascaanood oo ka maqan gacanta dawladda Puntland sannadkii sadexaad hada.
No comments:
Post a Comment