
January 8th,2010 Ximan Iyo Xeeb
Waxaa caasimadda Maamulka Ximan iyo Xeeb ee Cadaado dib ugu soo noqday wafti ballaaran uuna hogaaminayay Madaxwayne Maxamed C/lahi Aadan Tiicey ayna ka mid ahaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka iyo xubno matalayay qorbajoogga Ximan iyo Xeeb. Wafigu waxay booqasho qaadatay muddo asbuuc ah ku soo kala bixiyeen degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Xeeb iyo waliba deeganno ka mid ah gobolka Ximan. Ujeedka socdaalka waftiga ayaa ahaa sidii loogu kuur gali lahaa xaaladda nololeed ee shacabka ku nool deeganada ay soo booqdeen iyo arimo badan oo la xiriiray wadatashi ku saabsan shirka dhawaan ka dhici doona caasimadda Maamulka ee Cadaado iyo waliba qaymayn guud oo lagu samaynayay wixii qabsoomay mudadii maamulku jiray iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga shacabka loo hayo.
Wixii talo iyo ka qayb qaadasho ah ee ku saabsan shirka dhawaan la qabanayo waxaad si toos ah ugala xiriiri kartaan madaxwaynaha maamulka ximan iyo Xeeb oo emailkiisu yahay: tiiceey@hotmail.com ama tiiceey@gmail.com amaba gudiga qaban qaabada shirka.
ximanioxeeb.com
No comments:
Post a Comment