Monday 25 January 2010

Culuma’udiinka Ahlu Sunna waljameeca oo ka soo horjeestay maamulka ay Xarakada Al Shabaab u magacaabeen Gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia

Masuuliyinta Culimaa’udiinka Ahlu SunnaWal-jameeca ee gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in maamulka ay shalay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab uga dhawaaqeen degmada Ceelbuur ee ay u sameeyeen gobolka Galgaduud aanu waxba soo kordhineyn.

C/wali Xaaji Diiriye oo ah Masuul ka tirsan culmaa’udiinka Ahul Sunna Wal-jameeca oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuusan waxba ku soo kordhineyn gobolka maamulka ay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab u magacaabeen gobolkaasi, wuxuuna intaasi ku daray in shaqsiyaadka loo magacaabay gobolka aanay xitaa soo dhaafi Karin degmada Ceelbuur ee lagu magacaabay.

Wuxuu sheegay C/wal Xaaji Diiriye in maamul ay Al-shabaab ka hirgeliyaan gobolka Galgaduud iskaba daayee ay qorshaynayaan inay burburriyaan dhammaan maamullada ay ka sameeyeen gobollada dalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in kooxahaasi oo uu ugu yeeray inay yihiin khawaarij ay doonaayaan inay dadka ku dhibaateeyaan maamullo iyo afkaar laga soo masaafuriyay dibadda.

Hadalka culima’udiinka Ahlu Sunna Wal-jameeca ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xilli shalay munaasabad ka dhacday degmada Ceel buur ee gobolka Galgaduud maamullo loogu magacaabay gobolka Galgaduud iyo degmada Ceelbuur, taasi oo ay ka hadleen masuuliyiin sare oo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...