Wednesday 27 January 2010

Cali Dheere “Doon Hub siday ayaan G/gaduud ku qabanay Dadkii watayna waa Gowracnay”.

Dowladda Federaalka KMG ah ayaa lagu Eedeeyay in ay si dadban uga qayb qaadanayso Dagaalada ka socda Gobalada Hiiraan iyo Galgaduud kuwaasi oo loogasoo horjeedo Islaamiyiinta Mayalka adag.

Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere oo Maanta Saxaafadda lahadlay ayaa sheegay in ay Gacanta kusoo dhigeen Doonyo Hub usiday Gobalka Galgaduud oo laga diray magaalada Muqdisho.

Al Shabaab waxay Dowlada KMG ah ku Eedeeyay in ay saanado Hub ah u dirtay degmada Ceeldheer Gobalkaasi Galgaduud si loogu hubeeyo Maleeshiyaad deegaanka ah oo taageersan Dowladda KMG ah.

“Sedax doonyood oo Muqdisho lga diray ayaan ku qabanay Xeebaha degmada Ceel Dheer waana Gowracnay Dadkii Hubkaasi weday,Dowladda Muqdisho ku go’doonsan baa sidaas yeeshay”ayuu yiri Cali Dheere.

Afhayeenka Al Shabaab wuxuu intaasi ku daray in Hubkan uu ka buuxay Sanaadiiq iyo Jawaano lana doonayay in laga qaybiyo Ceeldheer iyo Tuulooyinka ku teedsan, lama oga xaqiiqda Warka shabaab waxaase aan caad saarnayn iyo Dowlada KMG ah iyo wadama Deriska ah ay taageeraan Ururka Ahlusuna Waljamaaca ee Galgaduud ka dagaalamo.

Ilaa iyo Hadda Wax War ah kamasoo bixin Dowlada KMG ah ee ku aadan Eedaynta kasoo yeertay Shabaab ee ku aadan in ay Hub u daabushay Ceeldheer.

Dhinaca kale Al Shabaab waxay ku hanjabtay in ay dagaal kula wareegi doonto degmooyinka Gobalka Galgaduud “Waqtiyada soo socda waxay shacabka Gaglgaduud maqli doonaan Bishaarooyin aan kooxaha Cadawga ah uga saari doono gobalka” Cali dheere.

Gobalka Galgaduud ayaa sanadkii lasoo dhaafay ahaa goob ay ku dagaalamaan Al Shabaab iyo Ururka Ahlusuna Waljamaaca mana muuqdo Dowr ay Dowladu dagaalkaasi ka qaadanayso.

Ramadaan Sheekh Mohamed
RBC Muqdisho-Somalia

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...