Monday 25 January 2010

Laascaanod: Mid ka mid ah Saldhigyada ugu waa weyn ee ciidamada maamulka la baxay Somaliland ee Laascaanood oo la weeraray. 25. januar 2010

aascaanood(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, ayaa sheegaya in Saakadii hore weerar lugu qaaday mid kamid Saldhigyada waa weyn ee ciidamada maamulka la baxay Somaliland ee magaalada Laascaanood, isla markaasna uu khasaare soo gaaray ciidamadaasi.

Waxyaabaha qarxa qaarkood oo ilaa hada aan la ogeyn waxa laga sameeyey iyo sida loo qarxiyey, ayaa lugu dhex qarxiyay gudaha Xaruntaasi ciidan, waxaana dhimasho iyo dhaawac soo gaartay ciidamada Maamulka la baxay Somaliland.

3 Askari oo ka mid ah Maleeshiyaadka Somaliland ayaa ku dhimatay, halka ay dhaawacmeen tiro intaasi ka badan sida ay xaqiijinayaan Ilo caafimaad oo joga magaalada Laascaanood ee gobalka Sool.

Maleeshiyaadka Somaliland ayaa qab-qabtay dad rayid ah oo ay ku eedaynayaan in ay qeyb ka yihiin falalkii dhacay, waxa ayna magaalada dhigeen ciidamado badan, ayagoo ka careysan qaraxyada lala beegsanayay mudooyinkii ugu dambeeyey.

Saldhigyada ay dadka ku xireen ciidamadaas ayaa horay loo geeyey shaqsiyaad iskugu jiray Ganacsato, Aqoonyahano, Siyaasiin iyo Nabadoono, oo ay sheegeen in ay qeyb ka yihiin amaan darada ka taagan magaalada Laascaanood.

Dhawaan ayay ahayd markii ay dhaceen qaraxyo kala gedisan magaaladaas, sidoo kalena lugu toogtay gudaha magaalada Laascaanood Sarkaalkii ugu sareeyey ciidamada Somaliland ee gobalka Sool.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee ka soo horjeeda Maamulka Riyaale ayaa ku eedeyeey masuuliyada falalkan, waxaana uu sheegay Daahir Rayaal Kaahin oo waqtigu kasii dhamaanayo in uusan waxba lug ah ku laheyn arrimahan.

Arrimahan oo dhan ayaa ku soo beegmaya xili ay Somaliland cabsi ka qabto guluf dagaal oo ku yimaada, ugana yimaada dhinacyada aad uga soo horjeeda, waxa ayna ciidan badan dhawaan go'aansatay Somaliland in ay udirto Sool, markii ay soo baxday wararka sheegaya in Isimada Puntland oo dhan iyo Madaxda dawladda Puntland ay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan soo celinta Laascaanood.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...