Sunday 10 January 2010

Gaalkacyo: Cabdi Qeydiid oo la hadlay Ergada Galmudug uga qeybgalaysa Wada hadalada Nabdeed ee Gaalkacyo.

10. januar 2010

Gaalkacyo(AllPuntland)- Wasiirka Macdan iyo Biyaha ee dawladda Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa shalay la hadlay Ergada ka qeybgalaysa wada hadalada magaalada Gaalkacyo ee dhinaca nabadgalyada, isagoo usheegay qaabab kala gedisan oo ku saabsan dadaalada nabdeed iyo sida loogu baahan yahay in wax laga qabto.

Cabdi Xasna Cawaale wuxuu usheegay Odayaashaas in looga baaahan yahay xalointa qodobada la xariira arrimaha magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay in ay lama huraan tahay in laga shaqeeyo nabadgalyada Gaalkacyo.

Jeneraalku wuxuu tibaaxay in ay Siyaasiin badan oo ka soo jeeda Puntland & Galmudug ay ka shaqeynayaan sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha magaalada, isla markaasna arrimihii dhacay oo dhan ay wax uga qabtaan.

Wasiirka Macdan ayaa tilmaamay in ay hada ku howlan yihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen arrimahaasi, isagoo ku sifeeyey wixii dhacay qaladaadyo kooban, isagoo Ergada Galmudug usheegay in ay mudo dheer usoo taagnaayeen nabadgalyada Gaalkacyo, loona baahan yahay in aysan maanta ka seexan.

Wasiirka Macdan iyo Biyaha ee dawladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa hadalkan ka jeediyey shir ay Xarunta Nabadda iyo Horumarinta ee CPD uqabatay Odayaasha iyo Waxgaradka qeybta ah wada hadalada magaalada Gaalkacyo, iyadoo uu sheegay Cabdi in ay marar badan maqlaan qodobo badan oo laysku hayo wuxuuna sheegay in tanaasulaad muuqdo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...